10-faa'iido ee laga helo akhriska qur'aanka kariimka.
Akhriska qur'aanka kariimka waa camal wanaagsan oo leh faa'iidooyin badan oo dhinac ruuxiga, maskaxda iyo jirka ah waxa uu qofka ka caawiyaa in uu helo hanuun, nabad iyo deganaan qalbi, haddaba maqaalkani waxeynu ku eegeyna 10-faaiido oo akhriska quraanka laga helo.
1.siyaadada iimaanka.
قال تعالى وإذا تليت عليهم ءاياته زادتهم إيمانا وعلى ربهم يتوكلون
Allaa wuxuu yiri: marka aayadaha allaah lagu akhriyo iimaankooda wuu kordhaa waxayna ku tiirsanyihiin rabbigood
Iimaanka allaah wuxuu la mid yahay geed haddii aan si joogto ah loo waraabin oo loo daryeelin, wuu engegaa gabagabadiisuna waa halaag. Sidaas darteed iimaanka ku cusbooneysii akhriska qur'aanka qalbigaagana ku noolee xuska alle. Kan rabbigiisa xusa iyo kan xusin waa sida qof nool iyo qof dhintay.
2 .Cusboonaysiinta yaqiinta.
Sheekh Rashiid ridaa wuxuu yiri ogow in xoogga diinta dhammaystirka iimaanka iyo yaqiinta aysan imaakarin ilaa akhriska badan ee qur'aanka iyo dhagaysigiisa, mooyee iyadoo la fahmayo macnihiisa lana niyad sameeyo hanuun iyo ku dhaqanka amarkiisa mamnuucistiisa.
3.Helitaanka ajara.
قال تعالى إن الذين يتلون كتاب الله واقاموا الصلوة وانفقوا ممارزقنهم سرا وعلانية يرجون تجارة لن تبور
Allaah wuxuu Yiri: kuwa akhriya kiaabka alle salaadda ooga waxnna ka bixya wixii aan ku arzaaqnay si qarsoodi ah iyo si fagaare ah waxay rajaneyaan ganacsi aan khasaaraynin.
Rasuulka naxariis iyo nabad geliyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: qofka akhriya xaraf ka mid ah kitaabka alle wuxuu uu leeyahay ajar , ajarkuna toban laab ayuu la simanyahay,wuxuu intaas ku daray ma dhahaayo alif laam miim xara waay laakiin alifka xaraf laamka xaraf miimka xaraf.
4.Farxad maalinla ah
قال تعالى ألم نشرح لك صدرك
Ma maanaan balaarin laabtaada (qalbigaaga)
Markasta oo allaah ku ballaariyo qalbiga rasuulkaصلى الله عليه quraanka iyo nabi namada wuxuu sidoo kale ballaariya qalbiyada kuwa raacay rasuulka صلى الله عليه وسلم marka ay si wanaagsan ugu dhaqmaan quraanka
5.ka faaideysiga hanuuninta quraanka قال تعالى يأ يها الناس قدجاءكم برهان من ربكم
وانزلنا إليكم نورا مبينا
6. soonoolaynta qalbiga
7.yaraynta walbahaarka iyo walwalka
8.dhaqan samir iyo dulqaad
9.kobcinta iyo xasuusta maskaxda
10 badbaado iyo barako noolasha.
0 Comments