Ticker

6/recent/ticker-posts

xiliyada ugu fiican wax akhriska


xiliyada ugu fiican wax akhriska:

Goorma ayaa akhriyaa 

Shaki kuma jiro in bani'aadamku aboodo inuu akhriyo waqti kasta balse waxaa loola jeedaa waqtiga uu akhristuhu ka heli karo natiijada ugu wanaagsan waxa uu akhriyo mid kasta oo innga mid ah wuxuu leeyahay saacadda dahabiga ah ee akhriska sida  uu ugu yeedhay Dr: cabdul kariim bakaar buuggiisa akhriska miraha leh saacaddan dahabiga ah akhristuhu wuxuu dareemaa in helitaankiisa aqoonta iyo fikiku uu gaaro heerka ugu sarreeya isla markaana uu ugu raaxaysto akhriska. 

Saacadda dahabiga ah qasab ma ah inay noqoto lixdan daqiiqo oo buuxa, waxay noqon karataa mid ka dheer ama ka gaaban. laakiin  waa muddadaas uu buuxiyo fifircoonida maskaxeed iyo daahfurnaanta nafta.  

Saacadda dahabiga ah waa  xilliyada ugu fiican wax akhriska.

Saacada dahabiga ah waxay noqon kartaa subaxdii hore dadka qaarkood waana saacaddii rasuuku naxariis iyo nabad geliyo korkiisa ha ahaatee ilaahay ka barayay inoo barako ugu yeelo ummaddiisa. Qaar kale waxay ku helaan duhurkii, qaarna fiidkii, halka qaar kalena ay ku helaan habeenkii dhexe markay adduunka qayladiisu degto.

Helitaanka saacaddaada gaarka ah.

Dhab ahaantii saacaddan way ku kala duwan tahay qofba qofka kale. Akhristaha ama baraha waa inuu ogaadaa saacaddiisa dahabiga ah ee ku habbuun dabeecaddiisa, taas oo uu gaaro  heerka ugu sarreeya feejiginaantiisa iyo firfircoonadiisa.

Cilmi baarayaasho waxay heleen in xoogga fikirka iyo feejiginaanta bani'aadamku ay isku beddesho saacadaha maalinta marna xoogayso marna daciifto.

Qaar ka Mid ah dadka feejiginaantooda maskaxeed waxay ugu sarreysaa duhurkii , halka qaar kalena ay si fiican ugu diiradda  saaraan akhriska galabtii. Markuu akhristuhu helo sacaddiisa dahabiga ah waa inuu si dhagso leh u xoojiyaa oo ku wareejiya xurmo iyo qadarin si aysan u carqaladeyn mashqoollada kale sida hiwaayadaha kale, wicitaanka saaxiibbda iyo asxaabta,dhawaaqa taleefoonka, daawashada telefishanka,iyo waxyaabo kale waa in akhrustuhu ka dhigo saacaddan mid  loogu tala galey akhriska oo kaliya, wax kale aan loogu darin.

Sidoo kale akhristuhu waa inoo ka digtoonada akhriska xilliyada uu jiro daal iyo yaaraanta firfircoonida , maxaa yeelay fahamkiisu xilliyadaas aad buu u yaraadaa waana inuu ka fogaadaa akhriska kadib hurdo la'aan dheer, kadib dadaal jireed ama maskaxeed adag sida maalin shaqo culus ama casharro adag , ama sidoo kale kadib cunista cunto culus oo dufan badan.

Gabagebo

Xilliyada ugu fiican wax akhrisku waa marka maskaxdu ay nasato, waa sida waabarga hore ama habeenkii hurdada ka hor qof kastana saacaadiisa dahabiga ah ha doorto.


Post a Comment

0 Comments