1.hordhac:
(بسم الله الرحمن الرحيم)
MAXAD OO DHAN ILAAHAY BAA LEH
NAXARIIS IYO nabad geliyo ha ahaato nabigeenna Muxammad Maqaalkan waxaan ku eegaynaa sirta akhriska iyo oraahyo muhiim ah oo kugu dhiirrigelinaya akhriska
Oraahyo dhiirrigelinaya
Augustine barrelle. " Wuxuu yiri waxaa jiraa hal meel oo adduunka ka mid ah oo qofku ku noqon karo mid faraxsan waa maktabadda "
Xikmad kale waxay leedahay "Akhrintu waxay abuurtaa nin dhammeystiran wada sheekeysigu. Wuxuu abuuraa nin diyaarasan qoristu se waxay abuurataa nin sax ah oo nidaamsan "
falsafad -yahaankii Faransiiska ahaa markii la waydiyey "yaa adduunka hoggamin doona wuxuu ku jabaabay : kuwa garanaya si loo akhriyo ."
Gabyaagii Ameerkaanka ahaa EZRA pound (1985 - 1972) wuxuu yiri: "waa inaan akhrinaa si aan u kobcino ruuxdeenaa. qofka wax akhriyaa waa qof nolosha ka buuxda. kitaabkuna waa weel nadiif ah oo ku jira gacanta qofka wax akhriya."
3.faa'iidooyinka akhriska:
1.Fahamka diinta
Akhriska qur'aanka kariimka ah iyo kutubta tafsiirka waxay kaa caawinayaan fahamka hadalka ilaahay, xalaasha iyo xaaraanta.
2.raacitaanka sunnada
Akhriska xadiisyada iyo kutubta sunnada waxay kaa caawinayaan inaad raacdu dariiqa rasuulka naxariis iyo nabadgiliyo korkiisa ha ahaatee
3.Barashada akhlaaqda:
Akhriska siirada rasuulka naxariis iyo nabadgiliyo korkiisa ha ahaatee iyo kutubta akhlaaqda waxay kaa caawinayan inaad yeelato akhlaag wanaagsan
4.kobcinta maskaxda:
Akhrisku wuxuu furaa maskaxda. Wuxuuna kugu dhiirrgiliyaa fikir iyo cilmi.
5.Kala saarka xalaasha iyo xaaraanta
Akhriska kutubta fiqiga wuxuu kaa caawinayaa inaad kala saarto xalaasha iyo xaaraanta waajibaadka iyo mutaxabka
6.cabsida ilaahay
Akhrisku wuxuu kugu dhiirrigilinaya inaad ka cabsato ilaahay adigoo fahmaya dambiyada iyo abaalmarinta
7.farxad adduun iyo aakhro
Akhriska iyo ku dhaqanka wax la akhriyay waxaa kuu horseedaan farxad adduunyo iyo aakhiro
4 .Tusaalooyin kutub
Kutubta tafsiirka
. Mukhtasarka tafsiirka ibnu kasiir waa kitaab cajiib ah oo ku saabsan tafsiirka qur'aanka kariimka ah fudeedinaya fahamka suuradaha sida-Al-baqarah, alkahfi,yaasiin iyo Alwaaqicah,
.kutubta fiqiga:
.fiqhu alsunnah qebta koowaad waxay kahadlaysaa salaada zakada soonka iyo xajka iyadoo si faahfaasan u sharxeysa sida saxda ah loo guto cibaadooyinka
Kutubta caqiida:
.kitaabka iimaanka ee Dr maxamed naciim yaasiin kitaab sahlan oo si fudud ugu hadlay mabaa Di,da caqiidada islaamka sida rumeynta ilaahay,malaa'igta kutubta, rususha,maalinta aakhiro iyo qaddarka.
Kutubta akhlaaqda
. Mukhtasarka minhaaj Al-qaasidiin:
.kitaab qiimo leh oo kahadlaya mowdoocyada ruuxiga ah sida cudarada qalbiga iyo daaweyntooda sidoo kale xusaya akhlaaqda xun sida xanaaqa iyo bakhiilnimada.
.kitaabka akhlaaqda muslimka ee sheekh maxamed Al Gazaali
Kitaab aad u fiican oo ka hadlaaya fahamka
akhlaaqda wanaagsan.
.kutubta haweenka iyo muuqaalka islaamka ee Dr cabdul mutacaal jubeyri kitaab muhiim ah oo si qoto dheer ugu hadlay qiimaha haweenayda iyo doorkeeda sidoo kale ka jawaabaya su'aalaha la xirriira arimahaas.
Kutubta siirada:
.alraxiiq almakhtuum ee mubaarakfuri.
Faalo kooban oo ku saabsan nolosha nabiga naxariis iyo naba giliyo korkiisa ha ahaatee laga bilaabo dhalashadiisa ilaa geeradiisa si kooba u tusaya sifooyinkiisa wanagsan
Nolosha saxaabada ee Dr.raaqib al baasha
Kitaab qurux badan oo luuqad fudud ku qoran
Kana buuxda xog badan oo ku saabsan saxaabada
.Kutubta taariikhda islaamka muxuu adduunku ka waayey
Khilaafadii muslimiinta ee abul xasan al nadwi
Kitaab muhiim ah oo sharaxaya xaalada dhulka ka jirtay ka hor islaamka iyo sida fikradaha khaldan ee aan islaamiga ahayn u saaeeyeen dadka.
Waxyaabaha quruxda badan laga dhaxlay dhaqankeena ee Dr.mustafa alsubaaci
Kitaab kamid ah qoraalada ugu fiican ee ka hadalaya horomarka bilicda laga gaaray dhaqanka islaamka isagoo sharaxaad fiican ka bixinaya horumarka muslimiinta
0 Comments