Ticker

6/recent/ticker-posts

QAABAKA WAX LOO AKHRIYO IYO HABABKA FARSAMOOYINKA AKHRISKA

 

Qaabka wax loo akhriyo hababka farsamooyinka akhriska.
Akhrisku waa xirfad muhiim u ah barashada iyo horumarinta nolosha. Balse si uu u noqdo mid wax tar leh waxa wanaagsan in la ogaado qaabka fiican oo wax loo akhriyo,haddaba maqaalkani waxaynu ku eegayna tilaabooyi iyo farsamooyinka wax akhriska.

1.marka hore.
Wax akhriska ha ka dhigin inaad isku khasabto, iskana fogee in akhrisku noqdo waajib khasab ah oo ku culus akhrisku waa in uu noqdaa mid aad u samayso si xor ah oo ka baxsan waajibaadka dugsiga ama shaqada iyo wixii la mid ah tallaabadaan hore waa tan ugu muhiimsan dhammaan tallaabooyinka qofka doonaya inuu galo dunida akhriska, sababtoo ah akhriska xorta ahi waxaa uu ugu horreyn ujeedkiisu yahay raaxo iyo madadaalo. Marka xigta, waxaa yimaada faa'iidada tani lama gaadhi karo haddii qofku isku khasbo naftiisa, haddii kale waxa lagu soo gudbi doonaa daal iyo caajis.
2.kataxaddar xulashada buugaagta ku habboon.
Akhristiyaasha kala duwan ee nagu xeeran waxay ku raaxaystaan buugaag kala gedisan mawduucyo kala duwan iyo qoraayo kala duwan, xitaa gudaha hal mawduuc gudeheed. Ma jiro buug ku habboon qof walba buug walbana ma aha inuu qof walba u dhalaalo.waxaa jira qof jecel inuu akhriyo suugaan, qof kale falsafada 
 mid kale fikir.iyo kuwo kale cilmiga maamulka iyo wixii la mid ah waxaa sidoo kale jira buugaag caalami ah oo caan noqda oo dad badani isku raaceen.

Haddaba ha dededegin inaad ka quusato akhriska gabi  ahaanba, sababtoo ah waxaad isku dayda hal ama labo buug ka dibna adaan ku raaxaysan waxa ku qornaa, xagga nuhurka ama hab qoraalka. Waxaa jiraa tobanaa iyo boqolaal buug kale oo ka tirsan noocyo kale oo laga yabo inay kula jaanqaadaan,sidaas darteed haku dedegin xukun, balse sii wad inaad isbarbar dhigto oo aad eegto noocyo kale oo buugaag ah.

Waxaa kaloo waydiin kartaa akhrustiyaasha ku xeeraran buugaagta ay kula talyaan, ama xitaa waxaad ku dhex raadin kartaa bogogga iyo shabakadaha ka hadlaa buugaagta iyo akhriska. Si aad u hesho talooyin iyo tilmaamo ku saabsan buugaag xiiso leh oo wacan.

3.go'aanso ujeedada aad akhriska u rabto.
Wax kasta oo qofka bani'aadamka ahi ku hidho ujeeddo cad oo muuqata oo uu doonayo in uu gaaro, waxa u dhow in uu dadaal badan geliyo sidii uu u fulin lahaa sidaas awgeed, taxaddar inaad dejiso ujeedda aad akhriska u rabto,iska sawir naftaada marka aad gaarto ujeeddadaas oo waxaad noqon doonta akhriste fiican ka fikira sida aad u noqon doonto qof wanaagsan iyo sida aad u korin doonto naftaada. Ogow in boogaagta ku jirtaa faa'idooyin waaweyn oo kala duwan oo mid walba kuu edeegaya si gaar ah marka waxaad u baahan tahay inaad raadiso buugaag wanaagsan oo ku habboon xaaladdaada iyo baahiyahaaga ka dibna aad akhrido.

4.degdegga jooji.

Ha ku dedegin hana ku dadaalin akhriska qaado waqti ku filan marka aad akrinayso ha ka walwelin haddii aad si gaabis ah u akhrido gaar ahaan maraka aad is barbar dhigto dadka kale. Tani si dabiici ah ayay u hagaagi doontaa maalmaha  iyo  joogtaynta akhriska shaki la'aan maalmaha ugu horreeya aad ku jirto safarka akhriska waa inaad si degan oo tartiib ah u akhridaa adigoo dhisaya. Haddii aad dareento caajis ha isku qasbin inaad sii wado. Buugga dhig dhinac oo samee wax kale mudo gaaban dabadeena u laabo mar kale mar kasta oo diyaar u tahay 



Post a Comment

0 Comments