Sababaha caajiska wax akhriska.
Waa waqti aadamigu aad ugu baahan yahay aqoon iyo faham, haddana waxa muuqta in xaaladda runta ahi ay ka duwan tahay bulshooyinka dunida ku nool ee aan ku dhex jirno, waxa ka muuqda in akhriska iyo aqoonta laga leexday, taas oo si cad ugu muuqta dhamman dadka gaar ahaan dhalinyarada.waxaa muuqdaa in laga jeestay akhriska, waxbarashada iyo maktabada guud iyo kuwa khaaska ahba.
Haddaba su'aasha qofku isweydiinayo waa maxay sababaha keenay caajiska wax akhriska iyo maxa ka dhigay in dadku ka leexdaaan buugga. Yaa mas'uul ka ah iska dheeraansha iyo xiiso la'aanta buugga? Ma xaaladaa dhaqaale? Mise mashquulka noolasha maadiga ah ayaa xukuma maskaxda iyo fikirka?
Run ahaantii, ka fafogaashaha iyo caajiska wax akhriska guud ahaan wuxuu ka imaan karaa,
.inaan jirin wax kicya oo dhaliya rabitaanka akhriska ,
.inaan la helin buug. ama buuggu ku habboonayn xitaa haddii uu jiro.
. Mashquul iyo waxyaabo kale oo qofka ka jeediyo wax akhriska
Qaar ka mid ah sababaha caajiska akhriska.
.1. Waxaan ka caajisnay wax akhriska sabatoo ah waxaan ka jeesanay qur'aanka kariimka iyo axaadiista nabiga naxariis iyo nabad geliyo korkiisa ha ahaatee kuwaas oo labada ba dadka ku riixa akhriska waxbarashada waxa ku filan uraahda allaah إقرأ akhri iyo hadalkii rasuulka naxariis iyo nabdgiliyo korkiisa ha ahaatee (akhri oo kor u kac) أقرأ وارق
2 daciifnamada tabar yarida manhajka wax barashad iyo tarbiyada
3. Tartan adag oo kaga imaanaya warbaahinta gaar ahaan telefishinnada iyo idaacadaha maadaama ay ka buuxaan barnaamijyo madadaalo xiiso iyo soo jiidasho leh oo ku mashquuliya dadka.
4. Inaan laga helin akhriska raaxu akhrisku wuxuu leeyahay raaxo iyo xiiso cajiib ah oo ay yar yihiin dadka dareema. Tani waa xaqiiqo aysan ka tanaasulin dadka waaweyn iyo kuwa fakarayaasha waana in akhrisku leeyahay macaanno iyo dhadhan ka badan macmacaanada kale.
5 .kalsooni daro dhiiri gilin la aan qofku mararaka qaar wuu ogyahay in akhrisku faaiido leeyahay, balse waxa uu dareemaa caajis sababtoo ah ma haysto dhiiri gilin oo gudaha ah ama kalasooni uu ku aaminsan yahay in uu si fiican u akhrin karo .
Gunaanad.
Caajiska akhrisku waa caqabad hor taagan qof kasta oo raba inuu horumar sameeyo, balse waxaa muhiim ah in la fahmo sababaha keena si loo helo xal. Akhrisku waa furaha aqoonta qof kasta wuu ka adkaan kara caajiska wax akhriska haddii uu yeesho dhiirigilin iyo qorshe joogto ah.
0 Comments