Furaha akhriska iyo sida akhrisku u noqao iftiin maskaxeed iyo guul nololeed.
Akhrisku waa furaha nolosha,cilmiga iyo aqoonta ma aha oo kaliya hiwaayad ama madadaalo, waa albaabka aan kaga gudubno dunida fikirka taariikhda, dhaqanka iyo hal abuurka.
Haddba aynu iswaydiinno maxaa loo akhriyaa? Sidee loo akhriyaa? Maxaase la akhriyaa?
1.maxaa loo akhriyaa?
Waxaan u akhrinaa in aan maskaxda iftiimino oo aan ka baxno jaahilnimada. Akhrisku waa jdka aan ku baranno khibradda dadka naga horreeyay, ku fahanno adduunka nagu wareegsan, kuna baranno sida si qoto dheer loo fikiro.
Sida uu yiri faylasuufkii faransiiska ahaa VOLTEIR: akhrisku wuxuu maskaxda u quudiyaa sida cuntadu u quudisu jirka : sidoo kale akhrisku wuxuu kordhiyaa kalsoonida nafta wuxuu kobciyaa af iyo hadal, wuxuu qofka ka dhigaa mid si fiican u fahma dadka kale.
Sidee loo akhriyaa?
Akhrusku ma aha in bogag la rogo oo kaliya,waa farsamo iyo fikir. Waa in si diiran, faham iyo falanqayn leh loo akhriyaa ee aan si fudud loogu dul socon erayada. si aad si fican u akhrido:
.dooro meel degan oo aan booq la hayn.
.qor fikradaha iyo qodobada muhiimka ah.
.akhri si tartiib ah si aad u fahamto macnaha qoto dheer.
.Kala hadal waxa aad akhriday dadka kale,si ay fahamka kuu hoojiyaan .
3.maxaase la akhruyaa?
Doorashada wax la akhriyo waa muhiim waa in aan doornnaa buugaag iyo qoraallo maskaxda dhisa oo nafta wanaajiya akhriso buugaag ku saabsan:
.diinta iyo akhlaaqda si aad u toosanaato.
.cilmi iyo aqoon si aad u horumariso naftaada.
.suugaagaan iyo taariikh si aad u barato nolasha dadka kale.
.sheekooyin iyo riwaayado wacan si aad u raaxaysato isla markaana wax u barato.
Sida uu yiri suufagii weynaa jalaaludiin ruumi: akhri waxa ku canfaca, ee ha akhrin waxa kugu raalli geliyaa oo kaliya.
Akhrisku waa furaha guusha.
Qof kasta oo guulaysta, dhab ahaantii wuxuu helay buug uu akhriyey ama fikrad uu ka qaatay akhriska.
Akhrisku wuxuu nagu kalifaa in aan nolosho badan ku noolaanno, meelaha aan weligeen tagin aan maskax ahaan booqanno, iyo in aan ka hadalno caqliyo aanan weligeen arkin.
Allaah wuxuu yiri أقرأ باسم ربك الذي خلق tani wa kalmddii ugu horraysay ee qur'aanka taas oo ina tusaysa sida akhrisku u yahay arrin weyn oo qiimo leh
Gunaanad.
Furahaha akhriska.
Akhrisku waa furaha dahabiga ah ee albaabka horumarka iyo guusha akhri si aad u barato u fikirto u hal abuurto, oo aad u noqoto qof maalin kasta ka fiican kii shaley.

0 Comments