Ticker

6/recent/ticker-posts

XIKMADAHA WAX AKHRISKA FURAHA GARAADKA IYO GUUSHA



Xikmadaha wax akhriska:furaha garaadka iyo guusha.

Hordhac

Wax akhrisku waa furaha iftiimiya maskaxda, kobciyana qalbiga iyo garaadka qof kasta oo buug la saaxiba wax uu helaa xikmad iyo waayo aragnimo uu ka dhaxlo qoroyaasha iyo culimadii ka horreysay. Akhrisku ma aha oo kaliya madadaalo balse waa hagaha nolosha waana jid lagu kasbado aqoon,anshax iyo argti dheer waxaa la yiri saaxiibka ugu fiican ee aan kaa tagayn waa buugga.sidaa darteed, xikmadaha ka dhasha  akhrisku waa dhaxal aan dhamaan oo qof walba u noqan kara iftiin iyo hanuun maqaalkani waxaan ku eegaya xikmadaha wax akhriska.

Akhri akhri.

Akhri  waa erraygii ugu horreeyay ee waxyiga ku billowday (akhri magaca rabbigaaga oo abuuray ).saaxiibka ugu khayr badan ee dadka dhaxdiisa jooga waa buug. Raaxada ugu weyn waa  in la dhex socdaalo maskaxda ragga culimada iyo qoroyaasha . Qofkii qalinka iyo khadka u adeega minbarrda ayaa kor loo saaraa qofkii la saaxiiba warqadda iyo buugga sharaf buu kasbadaa . Guusha ugu weeyn waa in xikmad laga goosto kutubta.

Xaqiiqda akhriska 

Akhrisku waa nafaqada nafta iyo nuurka qalbiga. Majirto wax ka culus oo lago hor istaagi karo culimado iyo caqliga  leh sida in laga xannibo noloshan ka tarjumaysa akhriska iyo aqoonta  sidaa darteed errigii ugu  horreeyay ee ku soo degay rasuulka naxariis iyo nabad geliyo korkiisa ha ahaat wuxuu ahaa (akhri).

Waxa ka mid ah xikmadaha wax akhriska

Wuxuu yiri qoraaga kitaabka (sinaacatu al saqaafa).akhrisku waa cibaado sharafna u yahay aadanaha wuxuuna sabab u yahay aragti dheer  taftna oo la edbiyo albaab u noqdo hal abuurka koritaanka maskaxda iyo ballarinta fahamka .

Sheekh ibnu jowzi wuxuu yiri anigu waxaan ka warramayaa xaaladdayda waligay kama dhargo kutubada,waxaan ku raaxaystaa in aan kitaab cusub arko sidii  anigoo helay khasnad qaali ah.

Post a Comment

0 Comments