Akhriska kutubada diiniga ah.
Akhriska wanaagsan waa cuntada nafta.
Akhriinta buugaagta diinta ah ama kutubada waa hawl ruuxi ah oo aad muhiim u ah waayo waxa aynu ognahay in uu qofka uu ka kooban yahay labo qaybood :jirka iyo nafta ama jasad iyo ruux jirku asal ahaan wuxuu ka yimid dhulka wuxuuna u baahan yahay wax ka soobaxa dhulka si uu u koro oo u xoogaysto halka naftuna ay ka timid samada mana barwaaqowdo ilaa wax ka yimaada samada ee ah waxyiga iyo hanuunka .waxyiga iyo hanuunka ayay ku barwaaqowda
Buugaagta diinta islaamka ama kutubada islaamka aad bay u badan yihiin kuwa ugu muhiimsanna waa qur'aanka kariimka ka dibna sunndada nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee. oo kujirta kutubta xadiista waxaa jira qoraallo kale oo kusalaysan kitaabka alle iyo sunnada rasuulka naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee oo aad u faa'iido badan oo xoojiya iimanka isla markaana wanaajiya akhlaaqda waxaa ka mid ah kutubada diiniga ah kuwa ugu caansan kutubada imaam ibnul qayim al jowziya allaah ha u naxariistee kuwaas oo hodon ku ah cilmiga ,xikmadda iyo naseexada. Maqaalkan gudihiisa,waxa aynu ku suu ban dhi doonaa qaar ka mid ah kutubada muhiimka ah oo uu qoray ibnul qayim angoo sharaxayna faa'iidooyinkooda.saamaynta akhriskoodu ku leeyihiin qofka muslimka ah
Buugaagta ama kutubada uu qoray iimaam ibnul qayim allaa ha u naxariiste.
Aad bay u fara badan yihiin balse halkan waxa aynu ka dooran doona labo kitaab oo aad muhiim u ah. -Akhriska waanaagsan waa furaha guusha . gaar ahaan kutubada diiniga ah -
1.kitaabka koowaad waa ad-daa wad-dwaa oo sidoo kale loo yaqaan al jawaab alkaafii liman sa'ala an ad-dawaa - ash-shaafi.kitaabkan waa mid ka mid ah qoraalada culus ee ka hadla zuhdiga iyo daahirsanaanta nafta . Culimada muslamiintu waxay akhrin jireeyn kitaabkani mar walba waxayna u tixgeliyeen inuu ka mid yahay ilaha muhiimka ah ee mowduucan
Kitaabku wuxuu ka hadlaaya mowduucyo kala duwan sida fadliga ducada shuruudaha ducada . Iyo dambiyada iyo dhibaatadooda .anigu shaqsiyan aad ayaa u jecelahay kitaabkan waxaana ku waaninaya ardada inay akhriyaan kitaabkaan muhiimka ah maadaama uu leeyahay faa'iidooyin badan oo waaweyn. Walalaa ku dadaal akhriska wanaagsan..
2.kitaabka labaad .
Alwaabil as-sayyib minal kalimi adh-dhayib
Kitaabkani waa waxa uu ka mid yahayay qoraalada muhiimka ah ee imaam ibnul qayim allaah ha u naxariistee wuxuuna ka hadlaayaa xuska alle iyo faa'iidooyinkiisa adduun iyo aakhro labadaba. Qoraagu wuxuu xusey in xusku alle uu leeyahay dhowr iyo todobaatan faa'iido waxaana si dhab ah u fahmi kara qiimaha kitaab kani qofkii akhriya oo si taxadar leh u dul istaaga .
0 Comments