Akhriska qur'aanka iyo caafimaadka:
Shaki iyo muran toona ma jiro in daawada qur'aanka kariimka ah ay tahay daawo faa'iido leh oo bogsiin dhamaystiran ah,
قال سبحانه وتعالى قل هو للذين ءامنوا هدى و شفاء Allaah subxaanahuu watacaala xuxuu yiri ku dhex quraanku waa caafimaad u ah kuwa rumeeyey. maqaalkani waxa ugu hadlaynna akhriska qur'aaka iyo caafimaadka
Qur'aanku waa daawada tan ugu fiican:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم خير الدواء القرآن
Rasuulku naxariis iyo nabad giliyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri daawada ugu fiican waa qur'aanka
Waxa werisay caaisha رضي الله عنهاrasuulka alle صلى الله عليه وسلم ayaa u yimid iyadoo haweenay daawaynayso markaasuu yiri ku daawee kitaab alle, hadalladaan nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee wxay muujinayaan in quraaka uu yahay daawo ruuxeed iyo jir ahaaneed ruqiyada iyo daaweynta kitaab Alle waa wax uu nagbiga ku buuriyay waxaana arrintaas ay muujinaysaa in quraku uu yahay xalka cdurada qalbiga jirka iyo nafta,
Noocyada bogsiinta ama caafimaad qur'aanka:
.Bogsiinta qur'aanka waxay leedahay afar nooc:
1.Bogsiinta nafta -qur'aanku wuxuu ka daaweeya nafta damacyada xun xun iyo rabitaanka xumaanta.
2.Bogsiinta qalbiga -wuxuu kasaaraa qalbiga shakiga fikirka khaldan (shubahaadka )
3.Bogsiinta laabta -wuxuu ka yareeyaa welwelka, murugada, iyo walbahaarka.
4.Bogsiinta -jirka qur'aanku sidoo kale waa daawo jirka laga bogsiiyo cudurada kala duwan .
Akhruska qur'aanka iyo waswaaska .
Qur'aanku wuxuu daawo u yahay qalbiga laga nadiifiyo damaca shakiga iyo waswaaska oo dhan -ha ahaadeen kuwo fudud ama xanuun leh sidoo kale waa daawo u ah jirka kana bogsiiya cudurada la dareemo. Markuu addoonku si dhab ah u ogaado in akhriska qur'aanku yahay daawo wuxuu heli doonaa labo nooc oo caafimaad iyo bogsiin ah:
1. Bogsiin iyo caafimaad cilmi ruuxeed (xagga qalbiga iyo nafta )
2.bogsiin ama caafimaad jir ahaaneed. Xagga jirka idinka Alle (subxaanahuu watacaalaa)
Sidee loo helaa caafimaadka qur'aanka:
Caafimaadka qur'aanka waxaa ka imaadaa labo arrimood
.1 ruqiyada qur'aanka ama tufta
Ruqiyada lagu sameeyo iyadoo la akhrinayo aayadaha qur'aanka waxay leedahay saameyn weyn waxay kordhisaa xoogga, firficoonida, caafimaadka iyo daryeelka guud ee jirka iyo nafta waa daawo aanay la tartami karin wax isku dardar ah oo ah daawo dhaqameed ama walxo ka yimid daawooyinka farmashiyada. qur'aanku waa kalmadihi Alle mana la mid aha wax la isku daray oo bani'aadam sameeyay. Mafilayo inuu jiro Muslim rumaysan qur'aanka oo diidi karo saamaynta wanaagsan ee uu leeyahay marka lagu daaweeyo akhriskiisa iyo in la isku tufo ama ruqiyada qur'aanka laakii waa muhiim in la ogaado bogsiintu ma aha mid imaanaysa qof walba si toos ah, sidoo kale ma ah mid u gaar ah dad cayiman
Waxay u furan tahay qof kasta oo qaata sababaha oo aamina qur'aanka u isticmaala si daacadnimo ah iyo yaqiin leh.
2.akhriska qur'aanka habeen iyo maalin gaar ahaan habeenka dhaxdiisa.
Akhriska qur'aanka waa in lagu dadaalo habeen iyo maalin gaar ahaan waqti dambe ee habeenka arrintani waxay horseedaysaa caafimaa qlbi oo cilmi ah ruuxi ah iyo nafsi ah taasoo ka dhalataa fahanka qoto dheer oo qur'aanka ah la dheeraadka fahamka aayadahiisa iyo fahamka qoto dheer nafta iyo nolsha guud
Marka qalbiga uu ku dhaco la falgalka qur'aanka waxa uu buaxsamaa nuurka ilaahay iyo aayadahiisa qalbagiisna wuxuu uu noqdaa mid furan ifaya oo nadiif ah
0 Comments