Ticker

6/recent/ticker-posts

MUHIIMADA WAX AKHRISKA


Muhiimada wax akhriska:

Wax akhrisku waa aalad muhiim ah oo lagu kobciyo garaadka, lagu helo aqoon cusub, laguna furo maskaxda iyo qalmiga , haddaba waxaan doonaya maqaal kani inaan ugu hadlo muhiimada wax akhriska.

Dr: maxamed alxamad  wuu yiri: akhrisku waa quudin maskaxda, waa kor u qadis laga baxayo jaahilnimada, waa ballaarin fahamka,waana raaxo iyo madadaalo nafta u ah ,

Akhri si aad horumar u gaarto:

Muhiimada wax akhriska iyo horomarka.

Akhrintu waa mid ka mid ah hababka muhiimka ah ee lagu kasbado aqoonta kala duwan laguana faa'iidaysto waxyaawixii ay gaareen kuwii hore iyo kuwii dambe iyo waayo aragnimadooda. Waa arrin muhiim ah oo aan laga maarmin qof kasta oo doonaya waxbarasho waana baahi dedeg ah oo aan muhiimdeedu aan  ka yarayn  cunto iyo cabid 

Dadku horumar ma gaaraan marka laga tago ummdaha iyo ilbaxnimadaba. Iyadoon la akhrin, akhriska ayaa maskaxda kobciya, qalbiga iftiimiya.

Faa'iidooyinka wax  akhriska:

.waxay kor u qaadaa cilmigaaga .

.waxa baabi'isaa jaahilnimada.

Waxay xoojisaa xasuustaada  hagaajisaa diiradda.

.waxay kuu sheegtaa siraha oo ballaarisaa fahamkaaga.

.waxay kur u qaadaa hamigaaga oo kugu dhiirigilisaa guusha.

.waxay dadka kuugu jeclaadaan sababtoo ah aqoontaada.

.waxay kaa ilaalisaa dhaqanka  xun ee dadka aadiga ah.

 .waxay ku baraysaa akhlaaqda wanaagsan iyo Tatan saraysa.

.waxay kuu horseeddaa faa'iidooyin qaali ah oo aan lacag lagu cabbiri karin, ka qaalisan dahabka iyo lacagta.

Joogteynta wax akhriska :

Akhriska joogtada ah wuxuu kobciyaa xasuusta, ballaariyaa aqoonta,wanaajiyaa hadalka .wxuu yiri qoraaga iyo wariyaha masar ee cabdal wahaab madhluuc.waxaan bilaabay caadada akhriska anigoo da'yar ah, waxaana si joogto ah u sii waday akhriska. In kasto oo aan leeyahay shaqooyin iyo mashquulyo kale,haddana sanad kasta waxaan akhriyaa 60 ilaa 70 buug, tani waxay igu keentay in toban  sano gudaheed  aan akhriyo celcelis ahaan 700 ilaa 800 buug si kastaba ha ahaatee, dhaqanka aqooneed ee qofka laguma cabbiro tirada buugaagta uu akhriyay,balse waxaa lagu cabbiraa inta uu ka fahamay, tayada iyo qiimaha fikir ee buugaagtaas iyo waxa uu isagu kasoo kordhiyay aqoontiisa iyada oo loo marayo feker, falanqayn,is barbar dhig iyo dhugasho  , haddana kalsooni ku qabow in mar kasta oo aad akhrido, aad ku kordhinayso cimrigaaga dhabta ah cimri kale oo dhinac dhaqanka iyo aqoonta ah  ,rubuu sheegay cabdal wahaab  Haddaba muhiimadda wax akhriska aan ku dadaalno.

Gabogabo.

Wax akhrisku waa furah aqoon, garaad iyo guul,joogteynytiisu waxay kobcisaa maskaxda ,waxayna horseeddaa horomar nololeed qofka wax akhriyaa waa qof mar walba koroyaa .tani waa xaqqiiqada dhabta ah oo aan shki ku jirin

Post a Comment

0 Comments