Ticker

6/recent/ticker-posts

10 faa'iido aad ka heli karto akhriska buugaagta


10 faa'iido aad ka heli karto akhriska buugaagta:x

Hordhac.

Wax akhrisku waa mid ka mid ah  caadooyinka ugu wanaagsan ee qofku yeelankaro. Waa wado toosan oo lagu kobcin karo garaadka lagu ballaarin karo fahamka aduunka.iyo nolosha oo dhan maqaal kani  waxaan ku eegaeynaa 10 faa'iido oo muhiim ah oo uu qofku ka heli karo akhriska buugaagta.

1.kobcinta aqoonta.

Buugaagtu waxay xambaarsan yihiin xog cilmi iyo waayo aragnimooyin kala duwan.akhrusku waxaa kaa caawinayaa inaad barato waxyaabo cusub oo ku saabsan taariikh.cilmiga bulshada ,diinta sayniska iyo arrimo kale oo badan.

2.horumarinta xirfadda hadalka iyo qoraalka.

Marka aad akhriso si joogto ah,waxaad baranaysa erayo cusub iyo sida saxda ah ee loo adeeg sado Tani waxaa si too ah u saamaysaa sida aad u hadasho iyo sida aad wax u qorto.

3.kordhinta xasuusta.

Akhriska buugaagta gaar ahaan sheekooyinka, wuxuu tawabaraa maskaxdaada si ay u xasuusato magacyada goobaha. dhacdooyinka iyo xiraaka u dhexeeya . Tani waxay wanaajisaa awooda xasuusta ee maskaxda.

4.kobcinta fikirka iyo falanqeyta.

Akhriska wuxuu kuu suurtagilinaya inaad wax falanqeyso, is bar bar dhig samayso, su'aalo is waydiiso , kana fikirto si qoto dheer Tani waxay kor u qaadaysaa xirfadda  xalinta dhibaatooyinka.

5.dhisidda awoodda diiradda saaridda.

Marka aad buug akhrinayso.waxaad baranaysaa inaad hoogga saarto hal  shay muddo dheer taas oo kaa caawinaysaa in aad diirada saarto wax yaawaxa kale oo noloshaada ah.

6. yaraynta walwalka.

Akhrisku wuxuu qofku gilin karaa dunida sheekada ama mowduuca uu akhrinayo taas oo ka fujin karta walbahaarka maalinlaha ah waxaa la o ogaaday in akhrisku culeyska maskaxda ka yareeyo 

7.kor u qaaadidda horumarka shakhsiyeed.

Buugaagta horumarka shakhsiyeed ama dhiirigilinta waxay qofka ka caawiyaan inuu fahamo naftiisa go'aan fiican qaato una naqmo si kalsooni leh.

8.xoojinta dhaqanka iyo afka 

Akhriska buugaagta afka hooyo ku qoran wuxuu kobciyaa fahamka afkaas iyo ilaalinta dhaqanka Tani waa hab muhiim ah oo lagu xoojinayo aqoonsiga dhaqameed.

9.kordhinta fikradaha iyo aragtiyada.

Boog kasta wuxuu leeyahay aragt iyo fikrad gaar ah .marka aad akhrinayso buugaag kala duwan waxaad baranaysa in aad fahamto aragtiyo iyo qiyam kala duwan.

10.kororka fursadaha nolosha.

Aqoon iyo xirfad kasta waxay kuu furaysaa albaabyo cusub qofka akhriska jecel wuxuu heyahay fursad uu ku horumaro shaqa fiican helo ama ganacsi  cusub barto.

Gunaanad.

Akhrisku waa maal gashi wiligiis aan khasaarin waa camal yar oo aad maalin walb aad samayn karto balse natiijadiisu ay tahay nolal  fiican haddii  aad rabto isbedel bilaw akhriska maanta.


Post a Comment

0 Comments