Ticker

6/recent/ticker-posts

AKHRISKA WANAAGSAN


akhriska wanaagsan:

Hordhac:

Wax Akhriska wanaagsan

Waddo muhiim ah oo lagu kobcin karo garaadka iyo fahamka.qofka akhristaha ah wuxuu u baahan yahay inuu akhriyo si uu u faa'iidaysto,ee  ma ah si uu u tiro badsado bugagga. Marka la akhrinayo si wanaagsan, waxaa laga helaa cilmi iyo xikmad hagid nolosha ah maqaalkaan wuxuu iftiiminayaa sida loo yeesho wax akhris wanaagsan oo Miro dhal ah oo waxtar u leh qofka iyo bulshada.

Qawaaniinta akhriska wanaagsan.

1.ikhlaaska (daacadnimada).

Akhriska wanaagsan wuxuu noqonaya cibaado weyn marka uu qofku u akhriyo si daacad ah oo ujeeddadiisu Alle u tahay. Muslimka ma akhriyo buug ama kitaab si loogu yiraahdo waa caalim ama wuxuu leeyahay aqoon ballaaran. ama waa qof feker leh maya balse wuu akhriyaa si uu ugu faa'iidaysto cilmiga suuban ee ku jira buugga, cilmigaas oo uu ugu faa'iideeyo walaalihiis muslimiinta ah. wuxuuna ugu digaya buugaagta qaladka ah ama maran habaabinta ah, isagoo u iftiiminaya khatartooda, una sharraxaya buugaagta waxtarka leh. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in lahubiyo daacadnimada niyadda marka la akhrinayo kutubada cilmiga shareecada.

2.Iney jirto ujeeddo cad:

Qofka muslimka ah ee akhrinaya, waa inuu yeeshaa hadaf iyo ujeeddooyin sare leh wuxuu akhriyaa si uu jaahilnimada isaga qaado kana saaro jaahilnimada muslimiinta kale ugu qayb qaato dacwada ama baridda dadka u difaaco diinta Alle ama ugu adeego ummaddiisa meelaha ka mid ah meelaha cilmiga ama awoodda lagu horumaro.

3. La tashiga iyo weydiinta:

La tashigu waa arin shareecada ka mid ah,waana edeb sare iyo  akhlaaq wanaagsan.sidaas darteed, akhristuhu waa inuu la tashado dadka khibradaha, takhasuska, iyo cilmiga leh ka hor inta uusan iibsan buug uu ka skakisan yahay ama uu san aqoon dariiqada iyo manhajka qoraha. Sidoo kale waa inuu weydiyo wax kasta oo ku adkaada ama qalqal ku keena inta uu akhrinayo, si uu u helo faham sax ah oo cilmiga ku dhisan.

4. Dhammaan wax ku jira buugaagta sax ma ah:

Qofaka akhristaha ah waa In  uusan si dedeg ah u aqbalin wax kasta oo uu akhriyo, gaar ahaan wixii ah arrimo laga doodi karo ama muran gali kara. Waxaa dhici karta in qoraagu keeno fikrad ama mabda'  khaldan oo ka hor imaanaya sunnada nabiga صلى الله عليه وسلم taasoo laga yaabo ku keenay niyad wnaagsan ama oo u malaynayo inuu sax yahay ama niyad xumo iyo ujeeddo khaldan. sidaas darteed, akhristuhu waa inuu ahaado mid feejigan, aqoontana leh kana fiirsado waxa uu akhrinayo si uu u kala saaro xaqa iyo baadika. 

5. Akhrisku waa inuu noqdaa  mid faa'iido leh:

Akriska wanaagsan dadku waxay akhriyaan noocyo kala duwan, laakiin kan ugu wanagsan waa kii akhriya si uu ugu faa'iido akhrisku ma ah kaliya akhris fudud oo aan macno lahayn ma ah qiimuhu tirada buugga ka dhammeeyo  ee waa qiimaha ka helay wixii uu akhriyey.

Akhri si aad u faa'iidaysato.

Dadka wax akhriya waxay u qeybsamaan seddex nooc.

1 . Qaar baa akhriya buug kasta iyogoo u haysta inuu yahay qur'aan am mid k mid ah labada saxiix, markaas ma jirto xaqiijin ama dib u eegis ku saabsan wax ay akhrinayaan, waxayna u qaataan wax kasta  oo ay dhex maraan inay sax yihiin  taasina waa wax ka fog saxnimada.

2.qaar baa akhriya buug kasta si ay u muujiyaan khaladaadka  qoraaga oo ay u baaraan cilladaha sida ay iyagu u arkaan waxayna akhriyaan si ay u dhaliilaan oo kaliya tani waa sida kii hore mana aha mid keenta ajar.

Akhriska wanaagsan.

Akhrisku wuxuu leeyahay laba shuruudood oo muhiim ah

1.Raadinta faa'iidada waa in qofku u akhriyo si uu ugu faa'iidaysto.

2.dhaliisha wax la akhrinayo ee mudan dhaliil waa in la baaro wax saxda  ah iyo wax khaldan ee qoraalka ku jira. Waa in la ogaadaa in akhristuhu yahay sidii loo faa'iidaaysan lahaa ma ah sidii loo badsan lahaa tirada buugaagata la akhriyo, cutubyo ama qaybaha buugga qiimuhu ma ah tarada la dhammeeyo, balse  waa wax  laga faa'iiday buuggaas.








Post a Comment

0 Comments