Ticker

6/recent/ticker-posts

FADLIGA QUR'AANKA AKHRISKA


 Fadliga qur'aanka akhriska.

Akhriska qur'aanka quraanku waa hadalk ilaahay ee ugu qiimaha badan, akhriskiisuna waa cibaado weyn oo keenta ajar badan. Akhriska qur'aanku wuxuu nolosha u keenaa iftiin qalbigana wuxuu siyaa deganaan iyo farxad qofkii si joogto ah u akhriyaa wuxuu kasbadaa naxariista ilaahay iyo barako nololeed.maqaalkai waxa ku eegeynaa fadliga qur'aanka akhriska .

Qur'aanku waa daawada qalbiyada:

قال تعالى )(الذين ءامنوا وتطمئن قلوبهم بذكر الله ألابذذكر الله تطمئن القلوب, سورة الرعد الآية ٢٨)

Kuwa rumeeyey xaqa kuna xasishay quluub toodu xuska ilaahay xuska Eebayna ku xasishaa quluubtu.

قال تعالى في سورة يونس  الآية 57-58 (يأيها الناس قد جآءتكم موعظة من ربكم وشفاء لما في الصدور وهدى ورحمة للمؤمنين، قل بفضل الله وبرحمته فبذلك فليفرحوا هو خير ممايجمعون، )

Dadow waxaa idiin timid waano Eebihiin iyo caafimaadka waxa laabta ku sugan  iyo hanuun  iyo naxariista mu'miniinta , dheh fadliga ilaahay iyo naxariistiisa ha ku farxaan, waana ka kheyrbadan waxa urursadaan,

قال ابن القيم رحمه الله تعالى قال الله تعالى (اولم يكفهم أنا أنزلنا عليك الكتاب يتلى عليهم )

فمن لم  يشفه القرآن فلا شفاه الله  ومن لم يكفه  فلا كفاه الله 

Ibnul qayim wuxuu yiri Eebe wuxuu yiri miyaa aanay ku filnayn in aan kugu soo dejinay kitaab (qur'aan) la akhriyo korkooda (suurada al cankabuut aayada  51) markaas wuxuu yiri :qofka qur'aanku aan u noqon  daawo ilaahay ha u daaweyn qofka uusan qur'aanku u filneyn ilaahay ha u filin

Wuxuu kaloo  yiri: kani waa kitaabka ilaahay waana daawo faa'iido leh, waana daawada ugu weyn, laakiinse aad bay u yar yihiin dadka daawada ka raadsado (qur'aanka) sheekh inu cutheymiin رحمه الله تعالى wuxuu yiri qur'aanku  daawo waxa laabta ku jira, sida welwelka, murugada iyo walbahaarka"

Qur'aanka iyo barakada guriga lagu akhriyo.

أخرج البزار ،من حديث انس بن مالك "إن البيت الذي يقرأ فيه القرآن  يكثر خيره .والبيت الذي لا يقرأ فية القرآن يقل خيره

Imaamu al bazaar wuxuu soo wariyey xadiis uu anas  radiya  allahu canhu ka wariyey, kaas oo sheegaya in:guriga lagu akhriyo qur'aanka kheyrkiisu waa bataa guraga aan lagu akhrin qur'aanka kheyrkiisu waa yaraadaa ,

Qur'aankani  waa xariga adag ee ilaahay :

أخرج ابن أبي شيبة  من حديث ابي شريح الخزاعي أن هذا القرآن سبب حبل

طرفه بيد الله وطرفه بأيديكم فتمسكوا به فإ نكم لن تضلوا بعده ابدا 

Qur'aankani waa xarig hal  daraf waxa haya ilaahay halka daraf kalena ay gacantiina ku jirto haddaba qabsada maxaa yeelay haddii aad sidaa yeeshaan marnaba ma lumaysaan mana halaagmi doontaan abadkiin,

Faliga qur'aanka iyo akhriskiis qur'aanka waxa ku soo arooray aayadu badan iyo axadiis aad u Tira badan oo laga soo wariyey rasuulkeena صلى الله عليه وسلم 

Akhriska qur'aanka waa nolol qur'aan la aan nolol ma jirto taariikhda salafka suuban radiya allahu canhum xaddi aad akhriso waxad arkaysaa  sida ay ugu dadaali jireen qur'aan akhriska mar walba qur' aan  akhrisku wuxuu ka mid ahaa nolo shooda 

Kutubada si fiican ugu hadley fadliga qur'aanka waxaa ka mid ah kitaab fadaailul qur'aan لابن كثير

Iyo kitaab fadaailul qur'aan لأبي عبيد

Iyo kitaabka al adkaar للنووي

Gunaanad 

Qur'aanku waa nuur iyo hanuun magacyada qur aanka waxa ka mid ah النور, الهدى qofkii ku dhaqamaa  wuxuu helayaa barako iyo badbaado  adduun iyo aakhiro.







Post a Comment

0 Comments