Ticker

6/recent/ticker-posts

AKHRISKA: AQOONTA IYO GUUSHA



Akhriska: aqoonta iyo guusha

Akhrisku ma aha kaliya madadaalo ama waqti buuxin, balse waa nolol iyo dariiqa ugu toosan ee lagu gaaro horumar iyo kobac shakhsiyadeed iyo mid bulsho maqaalkan waxa uu iftiiminayaa ahmiyada akhrisk iyo faaidada wax akhrika iyo sida uu u saameeyo nolosha qofka iyo mid bulshada 

Ahmiyada wax akhriska.

Qoraaga weyn ee masar,cabaas maxamuud al caqaad. markii la weydiyay sababta uu u jacalyahay akhriska wuxuu ku jawaabey: ma jecli akhriska si aan wax u qoro, ama aan shaqo xisaabeed u kordhiyo waxa aan u jacalahay akhriska sabatoo ah noloshu waa ha mid, hal nolol kaliya iguma filan, mana dhaqaajiso dhammaan wax ku jira damiirkayga ee ah sababaha dhaqdhaqaaga. Akhriska ayaa kaliya ah wax qofka siin kara in ka badan hal nolol,maxaa yeelay wuxuu sii qoto dheeraynayaa nolosha ; sax waay maxmuud cabaas waa ku saxsanaa kelmadaas maxaa yeelay wuu dhintey wuxuu ka tagay buugaag markaan akhrino waxaad mooddaa inuu wili nool yahay 

Fikir yahanka islaamka ee casriga ah jowda saciid( جودت سعيد)wuxuu yiri in erega "iqra"oo noqdo kalimaddii ugu horreysay ee lagu bilaabay farriintii ugu dambaysay (qur'aanka), waxay astaan u tahay bilow xilli cusub oo nebinimo ah iyo hab cusub oo wax loo helo oo toos uga yimaada ilaahay. Waa aayadaha ilaahay ee ku baahsan cirka iyo  arlada kuwaas oo dadka tusaya xaqa. aayadahani macnahood iyo tilmaamahooda waxaa lagu ilaaliyaa cilmi iyo akhris. Akhriska ayuu qofku ku helaa cilmiga kuwii hore oo dhan, akhriskana wuxuu qofka ku gaarsiiyaa derejooyinka  sare ee wanaagga iyo horumarka ;

Mar kale wuxuu leeyaha jowda saciid 

Ahmiyadda akhrisku waxay ka muuqataa mucjisada nabiga umiga ah. In uu noqdo nabiga ugu dambeeya nin ummi ah (aan wax qorin ama akhriyin)waa astaan tilmaamaysa in dadka xilliyada ka dambeeya nabi aanay noqon karin kuwo haga ama hanuuniya dadka haddii aysan jirin akhris. Marka soo dhamaaday xilligii nabinnimada oo uu ahaa nabi muxamad صلى الله عليه وسلم waxa la soo afjaray xilligii umminimada, waxaana la furay xilligii akhriska ee nolosha aadamaha.

Wuxuu kaloo leeyahay: ereygii ugu horreeyay ee farriintii ugu dambaysay (qur'aanka)wuxuu aha (iqra) akhri mana ahayn eray ka mid ah erayada dhaqanka ama cibaada la yaqaano qoraal kani wuxuu tilmaamayaa in la amray akhriska, waxaana amarkaasi ku higay in la xuso in rabigu yahay kan karaamo badan. Halkaas waxa ku kulmay akhriska iyo karaamada alaahay  waxay isigu yimaadedn hal meel.

Akhrisku waa daruuri.

Caabida al mu ayyad( عابدة المؤيد العظم )waxay leedahay: akhrisku waa baahi lagama maarmaan ah oo aan la iska dayn karin. waana habka ugu fiican ee uu qofku ku barto wax uu garan la'yahay. Ka fogaansha dadka ee akhriska dhab ahaantii waa mushkilad weyn 

Akhrisku ma aha raaxu ama ismuujin. Balse waa baahi nololeed. Mid ka mid ah dhibaatooyinka waa weyn ee xilligan casriga ah waa in dadku ay ka leexdeen akhriska saxda ah iyo wax akhrinta dhabta ah.

Dr: muxmad axmed al Rashid  wuxuu yiri: ka jeesashada akhrisku waa mid ka mid ah musiibooyinka ugu waaweyn ee haysta ummdda islaamka. Wuxuu u tixgaliyay inay tahay da

dembi weyn wuxuuna u bixyay magaca mubiqada 11aad (dhibaatada halaaga keenta ee 11aad). Wuxuu yiri : dhibaatada maanta haysata ummadaydu waa  inaysan akhrin, sidaas darteed, ka fogaashaha akhriska waxay ka mid tahay  deembiyada waaweyn ee dadka, waxana laga yaabaa inay noqoto mubiqada 11aad marka uu rasuulka صلى الله عليه وسلم nagu amray inaan ka fogaano  tobanka dembi ee halaaga keena waxaa waajib ku ah ducaada inay yeeshaan dadaal joogto ah si ay dadka ugu buraarujiyaan muhiimadda akhriska - akhriska runta ahna ma yaqaaan caajis iyo daal .

Qoraaga caanka ah Ibraahim alfiqi wuxuu caddeeyey in akhrisku yahay qodobka ugu muhiimsan beddela qofka una horseeda horumar.isla markaan wuxuu sheegay in qof aan akhrin aanu isbaddelayn .

Gabagabo 

Akhrisku waa furaha guusha qofka wax akhriya wuxuu kasbadaa  aqoon iyo aragti dheer akhrisku ma ah ikhtiyaar akhrisku waa daruuri laga  maarmaan ah






Post a Comment

0 Comments