Akhriska badan waa furaha guusha:
Akhriska badan waa furaha iftiinka maskaxda iyo horumarka nolosha.waa dariiqa lagu helo aqoon, garaad iyo faham qoto dheer.maqaalkani waxaa ku saabsan yahay akhriska badan iyo faaidada akhriska
Maxaa laga helaa akhriska badan:
Waxaa laga helaa akhriska badan khibrad iyo aqoon Dr:khaalid almuniif wuxuu leeyahay: marabtaa inaad noqoto khabiir si heer Sara ah ugu heel dheer takhasuskiisa ama shaqadiisa ? Kaliya akhri nus saac maalintii oo kaliya adigoo diirada saarayaa xirfadaada ama takhasuskaga ,mana qaadan doonto shan sano kadib inaad noqoto mid ka mid ah khubarada ugu sarreeya adduunka.
.Dr:cabdil kariim bakaar wuxuu leeyahay:waxaan arkey ilmo jira 11 sano oo si qoto dheer ugu dhex milmey qisooyinka asxaabta ilaahay haka raali noqdee )aysan Ka tagin qisada gacanta ku haayo in kastoo hooyadii marar badan ugu baqaysay inuu u dhaqaaqo cuntada mararka qaar qolka uu ku akhrinayey wuu madoobaa.isagoon shidin leydhka,sababo la xiriira xiisaha weyn ee uu u qabay buugga,wiilkaan ayaa hadda noqday qof weyn,maantana wuxuu ka mid yahay tobanka qof ee ugu caansan xirfaddiisa dunda oo dhan,) qisadaani waxay tusinaysa khibrada iyo faaidada laga helo wax akhriska badan.
Faa'iidada akhriska badan :
Akhrisku wuxuu faa'iido u leeyahay cilmiga, wuxuuna tirtiraa jaahilnimada, xasuusta ayuu hoojiyaa, maskaxdana waa kobciyaa.wuxuu kuu gudbiyaa waayo aragnimooyin iyo cibrooyin,wuxuu afkaaga ka dhigayaa mid furan, siraha ayuu kuu iftiimiyaa, waqtiga ayuu kuu soo koobaa,welwelka iyo muragada ayuu kaa fogeeyaa. Qofka akhriskiisu bato oo buugaagta kala duwan akhriya dadku waxay u eegaan si ay ixtiraam iyo qadarin ay ku jirto,
Akhriska badan iyo hoggaaminta:
Akhrisku waa furaha aqoonta iyo wadda horumarka ma jiro dad ama ummad akhris bada illaa haday jiraan waxay qabsadaan hogganka.waxayna mar walba ka horumaraan kuwa kale. Tusaalha ugu wanaagsan waa sida reer galbeedka iyo japaan ay ugu horeeyaan, halka muslimiintii hoos u dhacay. Inkastoo kitaabkooda ku bilaabmay أقرأ akhri amarku wuxuu sidoo kale quseeya shakhsiyaadka madaama akhrisku yahay mada daalo iyo nafis maskaxda ragga
Waxaa la sheegaa in ibnu al mubaarak
lagu yiri abuu cabdir raxmaanow maxaad u baxi weyday oo ula fariisan weday asxaabtaada wuxuu ku jabaabay:markaan guriga joogo waxaa la fariistaa asxaabtii nabi muxamad صلى الله عليه وسلم wuxuu ugu jeeday waxaan akhriyaa siiradoodi iyo cilmigooda
Gunaanad:
Qofka akhriya wuxuu helee awood uu kaga gudbo caqabadaha uuna ku gaaro hammigiisa haddaba akhrisku ha noqdo saaxiibkaaga joogtada ah.
0 Comments