Ticker

6/recent/ticker-posts

SIDEE BUUG AKHRISKU U BEDELI KARAA NOLOSHAADA?



Sidee buug akhrisku u bedeli karaa noloshaada?
Akhriska buugaagta 
Akhriska  buugaagtu waa mid ka mid ah tabaha ugu saameynta badan ee qofku ku horumarin karo naftiisa. ma aha oo kaliya madadaalo, balse waa il cilmi,xikmad iyo fikir cusub.maqaal kani waxaan ku eegi doonaa sidee  buug akhrisku u bedeli karaa noloshaada?

Akhriska buugaagta:wixii laga yiri iyo xikmado dahabi ah:
Waqtiyada ugu qiimaha badan ee ay la kulmaan dadka caqliga badan iyo xikmadleydu waa marka ay la joogaan buug ama kitaab weyn, ama ay ku dhex jiraan  akhris xiiso leh oo ay ka gurtaan miro oqooneed oo bisil.wuxuu yiri nin gabyaa ahأعزّمَكان فى الدنا سرج سابح  وخير جليس في الزمان:  كتاب meesha ugu sharfta badan adduunka waa dhabarka faras ordaya,saaxiibka ugu fiican waqtiga waa buug ama kitaab.

Nin xikmad badan waxaa la weydiyey sideed ku garataa qof ? Wuxuu ku jabaabay:(waxaan waydiiyaa immisa buug buu akhriyaa ? Iyo muxuu akhriyaa?) (xikmad carabi ah ayaa leh: buuggu waa saaxiibka aan kuu munaafaqayn, lagamana daalo, mana canaanto haddii aad ka fogaato, sirtaadana  marnaba ma faafiyo,

قال الشيخ عبد القوي المرداوي في منظومة الآداب. وخير جليس المرء  كتب تفيده علوما وآدابا كعقل مؤيد 
Sheekh cabdil qawi wuxuu yiri  saaxiibka ugu fiican oo qofku leeyahay waa kutub ama buugaag waxay siinayaan cilmi iyo akhlaaq sida garaad ilaahay garab siiyay.

Imaam abuu muxammad ibnu xazam wuxuu ku xusay kitaabkiisa tiirarka cilmiga in mid ka mid ah tiirarka muhiimka ah ee cilmiga uu yahay in la haysto kutubo ama buugag badan, sababtoo  ah buug ama kitaab kastaa wuxuu leeyahay faa'iido iyo aqoon dheeraad ah oo qofku heli karo marka uu u baahdo,

Faa'idada akhriska buugaagta  ama kutubada :

Buuggu ama kitaabka waa deris wanaagsan waa macallin kuu jilicsan,waana saaxiib kuu hoggaansan oo aan marna kaa hor imaanayn. ma aragtay macallin u hoggaansama ardaygiisa?sidaas oo kale,buuggu wuxuu u hoggaansamaa akhristaha.buuggu sidoo kale waa saxiib karti leh wuxuuna la mid yahay geed waayeel ah .oo wiligiis Meiro dhal ah,wuxuu isku ururiyaa xikmadaha wanaagsan, maskaxaha bislaaday, dhacdooyinkii qarnayadii hore,iyo wararkii wadamada fogfog,buuggu wuxuu nadiifiyaa garaadka, wuxuu fiiqayaa maskaxda,wxuu balaariyaa aragtida,wuxuuna xoojiyaa niyadda iyo dadaalk wuxuuna ka baabi'iyaa kelinamada oo qofka uu la jaanqaadaa marka uu cidlo dareemo.wuxuu wax tarayaa,waxna kama rabo wuxuu bixyaa mana qaato.

Ku dadaal akhrinta kutubada shareecada 

Sababto waxa weeye,waxay ka kooban yihiin wixii uu bani'aadamku u baahan yahay: qalbigiisa, caqligiisa, iyo jidhkiisaba.intaa waxaa dheer in cilmiga shareecada uu yahay mid leh dhinac la dabaqo la dhaqangiliyo muslimkuna wuxuu u baahanyahay in uu ogaado, tusaale ahaan:sifooyinka cibaadooyinka,sida Loola dhaqmo dadka kale, iyo anshaha.marka akhristaha muslimka ah uu dabaqo wixii uu akhriyo oo uu helo faa'iido, wuxuu dareemayaa barako iyo saameyn wanaagsan taasina waxay sii dhiirrigilinaysaa 
in uu sii  akhriyo oo sii xifdiyo.

Gabagebo 

Akhriska buugaagta waa  furaha isbedelka.wuxuu kobciyaa garaadka.

Tixraac 

١ كتاب كيف تقرأ كتابا لشيخ محمد صالح المنجد 

٢ أمة اقر أ لا بد أن  تقرأ 
أ مير محمد المدري 



Post a Comment

0 Comments