Ticker

6/recent/ticker-posts

CAALAMKA AKHRISKA IYO BUUGAAGTA KA HADASHA AKHRISKA



Caalamka akhriska iyo buugaagta ka hadasha akhriska.

Akhrisku waa furaha aqoonta iyo garaadka,waana dariiqa lagu sahmiyo caalam aan xad lahayn oo buug iyo qoraal walba uu ka yahay il iftiin iyo faham. Caalamka akhriska waxa uu tilmaamayaa meel uu ay  ku urursan yihiin fikrado, xikmad iyo waayo aragnimooyin kala duwan oo ay qorayaasha adduunku ku keediyeen buugaagtooda.

Buugaagta ka hadasha akhriska naftooda waa hage  kale oo muhiim ah. Waxay akhristaha baraan sida loo jeclaado akhriska faa'iidooyinka uu leeyahay iyo farsamooyinka lagu kobcin karo caadada akhriska joogtada ah. Markii la isku daro caalamka buugaagta iyo buugaagta ka hadasha akhriska, qofku wuxuu helaa laba dariiqo mid uu wax ka barto iyo mid kale oo uu ka barto sida wax loo barto.

Buugaagta ka hadasha akhriska.

1 كتاب القراءة الذكية ،للدكتور ساجد العبدلي 

Buuggan waa mid ka mid ah buugaagta ugu qiimaha badan ee ku saabsan akhriska. Waxa uu ka hadlayaa:

1.muhiimadda ay  akhrisku u leeyahay nolosha qofka iyo horumarkiisa.

2. Sida loo noqdo akhriste caqli badan oo waqti iyo fahamba u kala horumariya.

3. Noocyada kala duwan ee akhriska iyo goobaha uu qofku ka faa'iido karo.

4 .hababka iyo farsamooyinka akhriska kala duwan 

5 . Sida akhrisku u yahay farshaxan iyo xirfad la baran karo iyo qodobo kale oo muhiim ah sida ujeedada akhriska.

Waxaa lagu tilmaamaa buug lama huraan u ah qof kasta oo doonaya inuu caado u yeesho akhriska. Qoraagu wuxuu ku dhiirigilinayaa akhristaha inuu si joogto ah buug ula noolan karo isla markaana uu akhriska uu ka dhigo hage nololeed.

 2. Buugga labaad waa buugga maxaa akhriya ماذا أقرأ oo uu qorey Dr: taariq al suwaydaan.

1.Waa hagitaan wax ku ool ah oo loogu talagalay qof kasta oo jecel akhriska balse aan garanayn meesha uu ka bilaawo ama sida uu u doorto buugaagtiisa. Buuggu wuxuu ka hadlayaa muhiimaddu akhrisku uu u leeyahay dhissadda fikirka iyo ballaarinta aragtida. 

2. Sida loo doorto buugaag ku habboon iyadoo loo eegayo danaha akhristaha.

3. Kala soocidda noocyada buugaagta (dhaqan, diin, taariikh, suugaaneed, horumarinta nafta )

4 . Soojeedinta liis buugaag ah oo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan ee ku kala jira meelo kala duwan.

5. Qorshe wax ku ool ah oo ka caawinayaa akhristaha inuu si joogto ah u horumariyo caadada akhriska buugani waxa lagu tilmaami kara inuu kuu furayo caalamka akhriska waa buug laga maar maan ah.

3.buugga seddexaad.القراءة المثمرة waxa qorey Dr: cabdul kariim bakaar.

Waxa uu ka hadlaya.

1.muhiimadda akhriska ee horumarinta fikirka iyo nafta. 

2. Noocyada akhriska (dedega falanqayn doorasho.

3.hababka iyo fikradaha ka caawinaya akhristaha inuu ka faa'iidaysto waqtigiisa iyo dadaalkiisa.



Post a Comment

0 Comments