Ticker

6/recent/ticker-posts

akhriska iyo qoraalka


Hordhac.
 Akhriska iyo qoraalka akhrisku iyo qoraalku Waa labo awoodood oo lama huraan u ah horomarka qofka iyo bulshada waa aaladaha ugu mhiimsan ee lagu gudbiyo lana kaydiyo fikradaha aqoonta iyo dhaqnka akhrisku wxuu kobciyaa garaadka iyo fahamka halka quraalku uu yahay dariiqa lagu muujiyo aragtiga qofka maqaalkani  waxa uu aftiiminaya muhiimadda ay leeyihiin akhriska iyo qoraalka sida ay u saameyaan nolol maalmeddka waxbarashada iyo horomarka.

Meraha akhrisku waa faa'iidooyinka uu akhristuhu ka helo akhriska. Sidaa darteed, waa in akhristuhu maalgashado akhriskiisa oo uu si fiican ugu faa'iideysto si uu ogu helo wixii uu rajeynayay, hana lumin dadaalkiisa si aan micne lahayn. looma helo dariiq wax ku ool ah mana jiro mid ka waxtar badan qoraalka si loo gaaro himladaas 

Qor faa'iidooyinka aad ka faa'iiday, higashada qaaliga ah u bandhigadda cilmiyeed ee heel dheer, habeynta hal abuurka leh xikmadaha laga soo ururiyey buugagta fikradaha qotoda dheer ee laga soo saaro akhruska tilmaamaha qarsoon iyo isu ekaashaha iyo kala duwanaasha arrimaha dhamaan noocyadaan faa'iidooyinka ah wxay leeyihiin meel gaar ah ku habboon maskaxda iyo qalbiga ardayga dadaalka badan.

Haddi aad faa'iido waa hal arin helitaanka si dedeg ah iyo kaydinteeduna waa arrin kale halka isticmaaka saxda ah iyo meelayta ay iyaduna tahay arrina saddxaad marka saddaxdaan arrimood la isku daro ardaygu wuxuu ka dhaxlayaa dhamman faa'iidooyinka akhriska oo uu guranayo midhihiisa.

Al imaam an nawawi wuxuu ardayda ku waaniyay inay qoraan waxyaabaha qiimaha leh iyo waxyaabaha yaabka leh ee ay ka helaan akhriskooda ama ay ka maqlaan maclinkooda wuxuu yiri "hayaysan ardaygu yaraysan faa,iido uu arkay ama maqlay xataa haddii ay tahay mid meel kasta ka timid laakiin ha ka labalabeyn qoritaankeed "wuxuu kaloo yiri ha dib u dhigin qorista faa'iido haddii uu heli karo xattaa haddii uu hubinayo inuu mar dambe heli karo sabtoo ah dib u dhigddu waxay leedahay dhibaatooyin"

Tani waa nasteexo qaali ah oo ka timid imaam weyn ku dhegganow si aad u liibaaneyso qof walbo wuu ka shallaayaa haddii uu dayacoay qorista wax  muhiim ah oo maskaxdiisa ka cararay ama uu ku kalasoonaaday xasuustiisa oo ka khiyaamay tusaale ahaan imaam ibnu xajar oo ahaa xaafidkii waagaa ayaa sheegay qorista  qaar ka mid ah fikradaha quruxda badan wuxuuna aad ugu shallaayay ardaygiis 'al sakhaawi ayaa ku yiri kitaabkaasa Al jawaahir wa durar "wuxuu ahaa la yaaab arrinta tafsiirka wuxuuna muujin jiray murugo iyo shallaay qoto dheer marka uu dayaco qorista fikrado ama laga helin meel kale "dhammaadkii noloshiis qaar ka mid ah ardaydiisa ayaa bilaabay qorista wayaabahaas si aysan  u lumin 

Waxa layiri "qofkii  aan lahayn buug yar oo  ku qoro oo jeebka ku haya xikmadu qalbigiis kuma sugunaato "waxa kale layiri "imisa  shalaayo ka buuxa xabaasha "marka aad eegto taariikhada culimada iyo sida ay ugu dadaali jireen qorista iyo akhriska waxaad arkaysaa wax yaab leh.
Tusaale
Imaamu al bukhaari wuxuu toosi jiray marar  badan habeenkii si uu u qoro fikrado cusub Qoraagiisa al firabari wuxuu sheegay inuu arkay isagoo 18 jeer habeenkii toosaya si uu u qoro waxyaabaha maskaxdiisa ku soo dhacay 

Imaam ash shaafici waxa laga soo wiriyay saaxiibkiis al xumaydi in uu mar u baxay habeenkii markaasna arkay iftiinka guriga ash shaafici markii uu u tagay wuxuu u sheegay in uu ka fikiray xadiis ama mas,alo uu ka cabsadey in ay maskaxdiisa ka baxdo sidaas darteedna uu iftiinka u shiday si uu u  qoro

  

Post a Comment

0 Comments