. maqaalkani waxaa ugu hadlidoonaa sidee carruurta loo jeclaysiya aakhriska ama loogu dhiirigiliyaa CARUURTA IYO AKHRISKA waa wax wanaagsan oo ay tahy inaan ku dadaalno jecalka akhrisku wuxuu u furaya carruuta albaab ballaaran oo korriin maskaxeed iyo ruuxi ah. Waxa uu ballaariyaa fahamka. Wuxuuna kor u qaadaa owoododa mala awaalka akhrisku wuxuu noqdaa badabaado u ah carruurta ku nool deegaanada jahliga ka jiro ama faqriga daran, madaama deegaanka burbursan uu dilayo hamiga carruurta, kana dhigayo kuwo ku qanacsan wax walba. Halkaas ayayna akhrisku ka galaa doorkiisa in uu carruurta kasoo saaro meel xaddidan iyo waqti adag kuna hoggaamiyo.meel furan iyo waqti dheer oo taariikhda la jaanqaadaya. Sidaas dardeeda,akhrisku carruurta qaar wuxuu u yahay nolol la mid ah nolosha laefteeda.
Ku dhiiriligilinta carruurta akhriska akhriska iyo carruurta
1.akhriska xilliga hore wuxuu xiriir dhow la leeyahay guusha waxbarasho ee marxaladaha kala duwan. Tani waxay sabab u tahay in hibada hal abuurka iyo heerka sare ee waxbarasho aan lagu gaari karin oo kaliya barashada manhajka dugsiga, balse laga maarmaan tahay in qofku uu yeesho xiiso iyo jecel uu u qabo akhriska,isagoo buugga la safra isla markaana malintii sacado badan akhriya, si raadinta iyo akhriska u noqdaan kuwo wax tar leh
Cilmi baadho badan ayaa muujiyay in xirfadaha akhriska ilmuhu barto marka uu joogo fasalka koowaad ay yihiin isla xrfadaha horseeda kororka darajooyinka marka uu gaaro fasalka12-aad (ama dugsiga sare)sidaa darteed,waajibaadka waalidiinta ugu weyn waa in ay u jeediyaan dadaalkood sidii ay cilmaha ugu abuuri lahaayeen jacelka buugga, ayaga oo ka dhigaya akhriska wa uu maalin walba sameeyo sida cunista,cabitaanka iyo ciyaarta.
Carruurta aan xiisaynin akhriska, inta badan darajooyinkooda wey hooseeyaan xitaa haddii ay dhigtaan iskuul tayo sare leh tani waxay sabab u tahay in marka uu ilmuhu waayo xiisaha buugga. Uu bixin doono dadaal aad u yar, kuna raaxaysan doono ciyaarta iyo madadaalda. Tani waa xaqiiqada ka jirta inta badan carruurt tani waa nasiib daro.
2.ka faa'iideysiga fursdaha iyo munasabadaha:kafaa'iidaysiga fursadaha iyo munaasabadaha si cilmaha loogo dhigo mid jecel akhriska waa mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee qoska ka soo maray xalkan waxaan ku xusaynaa tusaalooyin ka mid ah sida loogo faa'iidaysto fursadaha iyo munaasabadaha si cilmaha loogu barbaariyo jacelka akhriska
3.Kafaa'iidaysiga ciidaha,iyadoo cilmaha la siinayo sheekooyinka iyo buugaag ku habboon hadiyad ahaan,sida Marka uu guulaysto ama uu heer sare ka gaaro waxbarashada.xase yeeshee, buuggu ha noqon baddelka waxyaabaha.
4.kafaa'iidwysiga fursadaha:tamashleedyada iyo boogishooyinka tusaale ahaan boogashada beerta xayawaanka iydoo la siinayo ilmihu sheekooyin ku saabsan xayawanka, lagalana sheekaysto,lana waydiyo xayawaanka uu jacelyahay loona helo sheekooyin xiiso leh oo ku saabsan xayawaankaas.
5 .dugsiga iyo akhriska ilmaha:hadiyo jeer la soco sida ilmahaaga loogu dhigo akhriska. boogo dugsiga,la kulan macallinka akhriska.u muuji inaad danaynayso akhriska ilmhaaga,una sheeg barnaamijyada aad ilmahaaga u diyaarisay si uu u jaclaado akhriska.weydii macallinka sida ilmahaaga loogu dhigo akhriska,iyo sida uu xirrii u la leeyahay maktabada dugsiga.
6 ilmahaaga iyo halyeeyada uu jecel yahay:waa muhiim in ilmha aad siiso buugaag ka hadlaaya shakhsiyaadka uu jecelyahay ama kuwa laga yaabo inuu jeclaado.waa inuu wax ka barto nabiga naxariis iyo nabadgilyo korkiisa ha ahaatee noloshiisa,mucjisooyonkiisa , saxaabada,iyo geesiyaashi taariikhda islaamka.dhammaan arrimahaan waxay ku jiraan sheekooyin xiiso leh oo soo jiidasho leh gaar ahaan haddii ilmahaagu uu san jacleyn sheekooyin mala-awaal ah balse uu jecel yahay sheekooyinka ka hadlaaya dagaalka u dhaxeeya kheyrka iyo sharka iyo dhacdooyinka dhabta ah ee halista leh,
gabagebo
Akhrisku wuxuu ballaariyaa aqoonta carruurta taasoo ka dhigaysa barashadooda mid fudud carruutu waa inay akhriyaa si ay u noqdaan akhristiyaal heer sare ah.
0 Comments