Ticker

6/recent/ticker-posts

MURAAJACADA IYO JADWALKA WAX AKHRISKA



Muraajacada iyo jadwalka wax akhriska:

Inaad samaysato  oo aad yeelato jadwal wax akhris iyo muraajaco  waa muhiim si aad horumar ugu gaarto wax barashada mid maadi iyo mid diineed  haddaba  ardayga qaaliga ahow waxaan kuu diyaariyey jadwal fiican oo sahlan oo tusaala ah jadwalkaas oo kaa caawinaya inaad si joogta ah wax u akhrisid oo aad u muraajacayso casharadaada iskuulka ama maadooyinka aad ku barato iskuulka ama dugsiga jadwalkani wuxuu ku canfici doonaa maalmaha aan iskuulka la tagin ama marka aad firaaqo leedahay sida haddii aad qalbtii aado iskuulka subaxdii aad firaaqo leedahay ku dadaal muaraajacada   casisharkaaga  haddii aad aroortii aad dhigato dugsiga galabtiina aad firaaqo leedahay akhri casharadaadi hadii aad habeenkii firaaqo leedahay akhri duruustaadi.

Qaabka akhriska muraajaco sabti ilaa arbaco:

Raac qorshaan iyo nidaamkaan iyo jadwalka wax akhriska hoos ku qoran:

1. SABTI: akhri tarbiyada islaamka.dib u fiiri axkaamta salaada,akhlaaqda wanaagsan iyo xadiisyada muhiimka ah.

2. AXAD: dib u eeg xisaabta.xallinta su'aalo hore ku celceli xeerarka asaasiga ah sida isku darka iyo kala goynta 

3. ISNIIN: akhri afsoomaaliga.buug akhri qor ereyo cusub isku Day  inaad samayso qoraal gaaban ama sheeko 

4. TALAADO: akhri luuqada Englishka ka shaqee ereyada cusub akhri qoraal fudud.tarjum ereyo 

5. ARBACO: akhri saynis ama taariikh.dulmar guud samee xusuuso ereyada muhiimka ah.

Waqtiga akhriskaagu ha ahaado  ugu yaraan 1 saac maalintii.fadhiiso meel degan ka fagow wax yaabaha mashquulinaya sida Tv-ga ama telefoonka oo diirada saar akhriskaaga.

Akhri buug dheeri ah khamiista iyo jimcaha:

maalmaha khamiista iyo jimcaha waqti gaar ah u samee akhrinta buug dheeri ah oo muhiim ah buuggaas waxa uu noqon karaa mid diini ah ama mid maadi ah waa .uhii inaad ku dadasho mar walba inaad samasato JADWALKA WAX AKHRISKA  

TUSAALOOYINKA BUUGAAGTA AAD AKHRIN KARTO :

 . qisooyinka nabiyada ama saxaabada.

 . Buug haga sayniska ama deegaanka 

 . sheeko carruureed ama suugaan soomaaliyeed 

.buug english ah oo fudud si aad u barato ereyo cusub.

Buugaag muhiim ah oo aan kuu dooray:  6 buug muhiim ah:

1 . buugga ugu horeeya waa buugga (salaadbaa  i dhaaftay ) waa buug  aad u faa'iido badan buuggani asalkiiso waa luuqada carabig ah   فاتتني صلاة  waxaa lagu tarjumay  afsoomaali loo 

2. buugga  labaad (dhambaalka qur'aanka)

3 .Buugga seddexaad ( hormari naftaada)

4.buugga afraad (waqtigaagu maalgasho)

5.buugga shanaad waa (mucjisada aroortii )

6.buugga lixaad (aabe hodon ah aabe sabool ah)

gudaanad 

Akhriska buugga dheeraadka  ah  waa dhaxal aad naftaada u reebayso.maalin kasta oo aad wax akhrido,waxaad dhisaysaa mustaqbalkaaga.


Post a Comment

0 Comments