Noocyada wax akhriska
Wax akhrisku waa furaha aqoonta iyo fahamka adduunka kugu harreeraysan.waxaa jira noocyo kala duwan oo wax akhris ah,kuwaas oo mid walba leeyahay ujeedo qaar ah iyo qaab loo akhriyo.maqaalkani wuxuu si kooban u iftiiminayaa noocyada wax akhriska ee ugu waaweyn iyo muhiimaddooda.
1.akhriska cibaadada:
Waa akhriska qur'aanka kariimka ah, sunnada, cilmga kasto oo loogu talagalay faa'iidada dalka iyo dadka.
2.akhriska cilmiyeed.waa akhriska kutubta cilmiga ee naftaada. qoyskaaga,ama masjidkaaga. Waa hab ku habboon helidda cilmiga qofka aan helin duruusta cilmiyeed. waxaa fiican in qofku ku ekaado akhriska oo uu san bixin fataawa haddii uu San ahayn qof ka soo guuriyey macallin lagu kalsoon yahay.
3. akhriska takhasuska ah.waa akhris kutubta takhasuska ah iyadoo dib loo eegayo iyadoo si qoto dheer,tartiib ah,iyo deggan loo akhrinayo. waxaa lagu sawiraa khriiradad maskaxeed oo kaa caawinaysa soo koobidda,qoraalka iyo fahamka.
4.akhriska xudunta ah:waxa ku jira: 1 furitaanka xirfadaha kale.2 qayb ka mid ah cutubyada buugga si nidaamsan oo qorsheysan loo akhriyo.3 waxaa ku habboon.marka lasamaynyo cilmi baaris ama qorista si loo hubiyo loona soo saaro natiijooyin sax ah.
5.akhriska khaaska ah : waa akhrinta faniga uu qofku jecelyahay .faniga wuxuu noqon karaa takhsuskiisa, wuxuuna noqon karaa mid aan takhasukiisa ahayn.
6.akhriska dhaqanka ama wacyigilinta : waa akhris good oo aan ku koobnayn hal takhasus. balse qofku waxa uu ka akhriyaa qorayaasha ugu caansan fani kasta. wuxuuna la socdaa wixii cusub ee ka jira xilligaan casriga ah, sida aqoonta guud,ilbaxnimada,caadooyinka ummdadaha.
7.akriska xilliyeed: tusaale ahaan,qofka akhriya buugaag ku saabsan soonka iyo ictikaafka ka hor bisha ramadaan
8.akhriska cilmi baarista:waa akhriska looga talagalay qorista maqaal,khudbo ama cilmi -baaris ama ka qaybgalka shirarka aqooneed iyo dhaqameed. waxaa sidoo kale ku jira akhriska buug kaliya ama fani kaliya,waxaana inta badan lagu koobaa mowduuc gaar ah.
9.akhriska khasabka ah ama dedegga ah:waa marka qofku akhriyo arrin dad badan ka hadlaayaan si uu ugu baxsado ceebta jahli-nimada. qofku wuxuu akhriya arrin aysan laga yaabo inay horrey ahayd mid daneyn u lahaa.
10.akhriska dhaleeceynta ama falanqaynta: waxa ku jira 1 qofku wuxuu akhriyaa si uu u helo meelaha daciifka,wuxuuna eegaa waxa ka dambeeya erayada. ma oggola inuu sir noqodo.2 waa akhris qofku u yahay mid furan,fikiraya go'aan gaara, islamarkaana aan si fudud u yeelin wax kasta.3 qofku wuxuu leeyahay aragti iyo mowqif hore.wuuna akhriyaa si tartiib ah oo faham leh, mana boodboodo dhamaadka qoraalka asagoo aanan fahmin bilowga iyo dhaxdiisa.
11.akhriska soo noqnoqda:waa in buug la akhriyo marar badan faa'iidooyinka akhriskan waxaa si dhab ah u og qofkii samyey.
12.akhriska sahminta ama dulmaridda:waa in buugga si guud ah loo sahmiyo ka hor inta aan si rasmi ah loo akhrin.tani waxaa ka mid ah:
1.akhrinta daboolka hore iyo kan dambe ee buugga. Iyo ogaalka taariikhda daabacaadda.
2.akhrinta hordhaca iyo gabagabada buugga.
3 . akhrinta tusmada mowdoocyada ilo xoggeedka iyo tixraacyada.
4. Akhrinta ciwaanada waaweyn iyo dulmar dedeg ah oo lagu eegayo bogog kala duwan si loo helo aragti hore.
daryeel la'aanta noocan akhriska ah waxay keentay inaan iibsanno buugaag aanan ka faa'iidaysan karin.
13.akhriska xulashada:waa akhris qoto dheer oo ku saabsan mowduuc gaar ah. qofku wuxuu raadiya ilo kala duwan iyo buugaag badan si uu u sameeyo sawir dhammaystiran oo mowduuc ah.waxaa sidoo kale lagu sameeyaa: 1.dulmar guud oo qoraalka ah. 2.Calamadayn qaybaha muhiimka ah. 3.Qorista qodobbda muhiimka ah si dhiliil feejignaan leh.
14.akhriska falan qaynta:noocan akhriska waxaa ka mid ah
1.qorista kooban ee khulaasada iyo arrimah muhiimka ah.
2.numbareynta cutubyada iyo fikradaha.
3.wada hadal iyo dood lala sameeyo qoraaga.
4.kala saaridda iyo tixgilinta xogta.
5.isbarbardhigga xogta cusub iyo xogta hore ee maskada ku kaydsan.
15.akhriska dhaqaysiga:waa marka qofku fahmo fikradaha iyo macnaha erayada uu qof kale si cod ah u akhriyo ama ugu hadlo mowduuc. waxa kale oo ay noqon karta tarjumaadda codka ee astaamo iyo calaamad. Tani waxay u baahantahay:
1. In si wanaagsan loo dhagaysto.
2.in la ixtiraamo aadaabta dhagaysiga(aan la kala dhex gilin ama aan lagu buuqin).
3.in la ogaado cod -qaadka akhristaha.
4 in la fiiriyo habka uu u dhawaaqayo qoraalka.
16.akhriska raadraaca(akhriska isdaba-jooga ah):waa akhris lagu baarayo buugaag waaweyn si loo helo natiijo gaar ah oo ku saabsan arrin cayiman.badanaa waa akhris dedeg ah.aan sax ahayn,lagamana faa'iidaysto waxyaawax kale buugga ku jiro.
Gabagabo:waxaa soo bandhignay noocyada kala duwan ee akhriska si akhristuhu u garto waxa uu akhrinayo iyo nooca uu ka tirsanyahay. waxa dhici karta in qofku marar kala duwan isticmaalo dhammaan noocyada akhriska, iyadoo ku xiran baahida iyo duruufaha.
Tixraac:
كتاب أمة أقرأ لابد أن تقرأ
أمير محمد المدري
0 Comments