Ticker

6/recent/ticker-posts

FAAIDADA AKHRISKA QUR'AANKA



Faaidada akhriska  qur'aanka.

Iyo fadliga qur'aanka kariimka ah,

qur'aanka kariimka ah waa kitaabka ugu sharafta badan ee ilaahay u  soo  dejiyey dadaka si uu u hanuuniyo qur'aanku wuxuu xambaarsan yahay nuur xikmad iyo naxariis uu ilaahay u balan qaaday kuwa rumeysan oo ku dhaqmaa maqaal kani waxaa ugu hadli doonaa fadliga qur'aanka iyo faaidada akhriska qur'aanka ee aduud iyo aakhiro .

Aayadaha iyo axaadiista ka hadla fadliga qur'aanka aad bay u badan yiihiin waxaa rabaa inaan soo qaato dhoor aayadood iyo dhoor xadiis 

قال تعالى في سورة الانعام لآية١٥٥  (وَهذا كتاب أنزلنه إليك مبارك فاتبعوه واتقوا لعلكم ترحمون )

Ilaahay wuxuu yiri (kani waa kitaab aannu soo dejinay oo barakeysan, ee raaca,ilaahayna ka cabsada waxad mudan tihiin  in  ilaahay  idin naxariiso .

قال تعالى في سورة الأعراف   الآية (٢٠٤ وإذا قرئ القرءان فاستمعوا له  و أنصتوا  لعلكم ترحمون )

Ilaahay  wuxuu yiri marka qur'aanka la akhrinayo, dhageysta oo aamusa waxa mudintihiin  in la idin  naxariistto.

قال تعالى في سورة الإسراء الآية (٩ إن هذا القرءان يهدي للتي هي أقوم ويبشر المؤمنين الذين يعملون الصلحت أن لهم أجر ا كبيرا )

Ilaaahay wuxuu yiri qur'aakani wuxuu hannuuniyaa jidka ugu toosan.wuxuuna bishaaranayaa mu'miniinta camal wanaasan sameeyey in ay leeyihiin ajar weyn,

قال تعالى في سورة فاطرا لآية (٢٩ إن الذين يتلون كتاب الله وأقاموا  الصلوة   وأنفقوا  ممارزقنهم سرا وعلانية يرجون  تجارة لن تبور)

Ilaahay wuxuu yiri kuwa akhriya kitaabka ilaahay, ooga salaada, kana bixya waxa aanu ku arzaaqnay si qarsoodi ah iyo si muuqata kuwaas waxay rajaynayaan ganacsi aan khasaaraynin,

xadiisyo ku saabsan fadliga qur'aanka iyo faaidada akhriska qur'aanka kariimka ah.

QUr'aanku waa u shafaaciya qofka xifdiya maalinta qiyaamaha.

عن ابي امامة الباهلي رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم (اقرءوا القرآن ، فإنه يأتي يوم القيامة شفيعا لأصحابه) 

Waxaa laga weriyey abuu umaamata albaahiliy ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri rasuulkii ilaahay nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato wuxuu yiri akhriya qur'aanka waayo wuxuu imaan doonaa maalinta qiyaamaha isagoo u shafeecaya asxaabtiisa,

Qofka xifdiya qur'aanka wuxuu kasbadaa  buuro ajar iyo xasanaad ah.

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم (من قرأ حرفا من كتاب الله فله به حسنة، والحسنة  بعشر امثالها لا أقول  (ألم )حرف  ولكن الف حرف  ولام حرف  وميم حرف

Waxaa laga weriyey cabdullaahi binu mascuud ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri rasuulkii ilaahay nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato wuxuu yiri :qofkii akhriya hal xaraf oo ka mid ah kitaabka ilaahay,wuxuu helayaa hal xasanaad , hal xasanaad waxaa loo laabaa toban jeer.anigu ma dhahayo alif laam miim waa hal xaraf laakiinse alif  waa xaraf laam waa xaraf miim waa xaraf )sidaas darteed wuxuu heleyaa 30 xasanaad .

Gunaanad 

Qur'aanka waa nuur caafimaad nolosha dadka faaidada akhriska qur'aanka wax la soo koobi karo ma ah intas ilaahay ha nugu canfaco aamiin 




Post a Comment

0 Comments