Ticker

6/recent/ticker-posts

waa maxay wax akhris


Maqaal kani waxa ugu hadleynaa seddax qodob oo mhiim ah 
. Waa maxay wax akhris?
. muhiimda wax akhrika
. xilliyada ugu fiican wax akhriska

waa maxay wax akhris ? Qeexida akhriska -
fahamka iyo Erayga "Akhris" Erayga Akhris iyo fahamkiisu waxa uu soo maray marxalado kala duwan. Waxaa  uu horay u ahaa Erayo adag  oo xadidan, Kuna koobnaa kaliya in lagu dhawaaqo erayada. Laakiin markay waqti socotay, waxaa bilabatay horomar iyo balaadhin fahamkiisa.  

Qeexitaanada akhriska (qaar ka mid ah qeextaannadii hore iyo kuwa casriga ah):
. Muxamad al feyruus aabaadi wuxuu yiri: 
Akhrisku waa barasho iyo faham . 
.Muxamad abuu bakr al-raazi wuxuu yiri: akhrisku waa ururin  iyo isku xidhid . 
Muxamed al mukhtaar Al -shinqiidhii  wuxuu yiri : akhrisku waa muujin iyo caddeyn. 
.majmac alugha (Qaahira) wuxuu yiri: Akhrisku waa hab raac ereyada, iyadoo la dhawaaqayo ama aan la dhawaaqin haddii  uu yaha akhrisku aamus (indhaha kaliya).

. Dr.cali xaaji wuxuu  yiri: akhrisku waa  ururinta xogaha iyadoo la baranayo, laguna eegayo waxa la qoray, iyadoo shardi u ah faham iyo garasho 
.Dr.daariq al suweydaan wuxuu yiri: akhrisku waa fahamka hadalka la qoray iyadoo la adeegsanayo arag ama taabisho. Sidaas darteed,akhrisku waxa u khuseeyaa hadalka laqorey, waana in fahmido ay la socotaa. Haddii kale waa kaliya  eegis -laakiin ma aha akhris dhab ah.sidoo kale akhriska taabashada waa suurta gal marka ay timaado dadka indhaha la:

Muhiimada wax akhriska 
Akhriintu waa cibaadu sharaf u ah bani'aadamka sabab lagu kasbado aragti dheer nafta lagu Edbiyo albaab loogu furo hal abuurka maskaxda lagu kobciyo iyo garaadka lagu balaariyo .

Caalimka Axmed Alzamaam wuxuu yiri:
Akhriintu waa ASALKA NOLOSHA. Waa diiwaan giliinta  awooda aadanaha iyo qiimaha jiritaankiisa.  Nolol sheeganaysa inay nolol tahay iyadoo oo aan akhris lahayn. Waxay ka dhigantay madhnaan buuxda oo aan lahayn astaanta jiritaanka "

.ustaad rajab albinaa wuxuu yiri akriintu ma ah raaxo ama wax lagu buuxiyo waqti firaaqo ah balse waa baahi nololeed iyo koriin bani aadmi lamana yareeyo muhiimaddeeda marka la barbar dhigo cunto iyo xurriyad. Akhriintu waa habka ugu habboon ee wax lagu barto, fikrado cusubna  lagu helo  iyadoo khibradaha dadka kale lagu darsado khibradeena.waa daaqada aynu kaga fiirasano adduunka ballaran ee ka baxsan nafteena xaddidan. Si aynu nolosha ugu noolaano si qoto dheer iyo garasho sare leh"

.Dr: raagib as sarjaani  wuxuu isna leeyahay ma suurto galbaa in eraygii ugu horreeyay Qur'aanku ku soo dego uu noqdo eray ka hadlaya hiwaayad uu qaar jacel yahay, qaarna ka caajiso? Qur'aanku wuxuu ka kooban yahay in ka badan 77,000 oo eray, waxaana eraygii ugu horreeyay  ee ku soodagay dhulka noqday "iqra"(akhri)taasi miyaanay  ahayn tilmaam cad oo looga tala galay umadda islaamk ?"wuxuhna kusuu gabagabeeyay  dr: raagib akhriintu ma ah hiwayad oo kaliya balse waa hab nololeed dhab ah "

.majaladda al macaarif ee cadadkeedii 499 waxay tiri: akhriintu maanta iyo mustaqbalka waa habka ugu hoogga badan uguna xiisaha badan oo lagu heli karo aqoon lagu fahmikaro xaaladda bani'aadamka, laguna gaari karo is dhexgalka nafeed"

.Sheekh zaki al-miilaad oo ah faylasuuf islaami ah: wuxuu yiri  bulshada aan akhriska lahayn waa bulsho dhinatay oo ay kajirto jahwareer.
Wuxuu yiri: bulshada aan wax akhriyin waa bulsho aan horomaraynin , aan is garan karin aan lahayn doonis horumarineed kana arka karin mustaqbalka rajo iyo hiigsi. Sidoo kale bulshada wax akhriyin waxay yeelataa wax soosaar hoose xirfadaha ayaa ka luma xiisaha sharciga iyo nidaamkuna wuu hoos u dhacaa.

.xilliyada ugu fiican wax akhriska 
Waxaa waqti gaar ah u cayimay xifdinta iyo akhriska qaar ka mid ah culimada sida sheekh al khdhiib al bagdaadi iyo ibnu jamaacah, xase yeeshee arrintani si rasmi ah uma sugana madaama ay dadku ku kala duwan yihiin qaar baa jira oo jecel kuna nasanaya akhriska kadib salaada fajirka, halka kuwa kalena ay ka caajisaan waqtigaas. Xitaa qaarkoodba ay joojiyaan duruustii iyo xalaqadii ay lahayd si ay u seexdaan. Waxa keloo jira kuwo doorbida inay akhriyaan habednkii, ha ahaato goor hore ama goor dambe. Qaarna waxay ku  fiicanyhiin akhriska duhurkii. Sidaas darteed arintu ma laha waqti go'an oo la wada raaco balse waxay ku xirantahay qofka. Marka aad naftaad ka dareento awood  aad ku samaysato waqti go'an oo aad u hurto akhriska xorta ah,samee. buug ama  kitaab aad akhrido ama baar mowduuc. kadibna qoro

Sheekh ibnu jamaacah wuxuu yiri: "waqtiyada ugu wanaagsan xifdinta waa saqda dhexe , cilmi baarista waa waabariga, qorista waa bartamaha maalinta, akhriska iyo mudaakaradana ama muraajacada waa habeenkii"

gunaanad 

Caalimka weyn oo ka mid ah colimada islaamka  kana  mid ah kuwa ugu wax akhriska badnaa ee alzamakhshri  wuxuu yiri :sharafta ganacsadaha waxay ku jirtaa kiiskiisa (lacagtiisa)
Sharafta caalimkuna waxay ku jirtaa buugaagtiisa kutubtiisa  (cilmigiisa)


Post a Comment

0 Comments