Sidee caado wax akhris u samaystaa?
Inaad yeelato caado wax akhris waa tilaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo aqoontaada fahamka iyo garaadka dad badan ayaa jeclaan lahaa in ay si joogto ah u akhriyaan, balase waxay ku adkaataa in ay bilaabaan ama ay sii joogteeyaan. Maqaal kani wuxuu iftiiminayaa talooyin wax ku ool ah kaa caawin karaa inaad si fudud u yeelato caado wax akhris ah una beddesho akhriska qeyb ka mid ah nolol maalmeedkaaga
1. Dhariuqooyin kaa caawin karaa inaad yeelato caado wax akhri1.waxaa ka mid ah in la bilaabo buugaagta gaagaaban,sheekooyinka faa'iidada. leh buugaagta xiisaha leh iyo riwaayadaha taariikhiga ah ka dibna si tartiib tartiib ah loogu koro heerar sare sidaan ayaa akhrisku u dhoqonayaa mada daalo iyo dhadhan qofka u gaar ah tartiibta iyo kobac ayaa ah sunnda nolosha oo dhan
2. Akhrisku ha noqdo nooc ka mid ah sahminta kobcinta garaadka
3.akhri taariikh nololeedka culimada iyo hal doorkooda
4 Samee maktabad kuna dhig gees ka mid ah gurigaaga
5. Akhri mowduuyada aad jecashahay
6.hilitaanka buugga buugu waa mid ka mid ah ilaha wa akhriska waxaana aad muhiim u ah in la heleyo si dadweynuhu u akhriyo
Caqabadaha wax akhriska
Haddii uu qofku si dhab ah u eego xaaladaha bulshooyinka islaamka iyo kuwa soomaaliyeed wuxuu si murugo leh u arkaaya in dad badani ay ka leexdeen. Akhriska sidaas darteed wax lala yabo ma ah in mid ka mid ah sababaha dib u dhac umaddu uu yahay dayac akhriska maadaama akhrisku yahay isha wacyiga ee bulshooyinka. Waan aragnaa sida salafkii hore muhiimad weyn u siin jireen buugaagta iyo akhriska taas oo ay ka dhalatey marku ilaahay towfiiq siiyey kadibna ay ku dhaqmeen diintooda in muhiimaddu islaamku ay noqotay mid adduunka xukunta oo kheyr badan ka siisay aadanaha oo dhan ayagoo ku faafisey ileyska ilbaxdnimadeeda iftiinka badan
1.himmad yari: Qaar ka mid ah dadka waxay leeyihiin himmad hoose oo ay la socdaan tabar Darro iyo g'aan la'aan waxayna u muuqdaan sidii in loo abuuray hurdo, raaxo, madadaalo iyo ciyaar.mayaqaanaan buugaagta aan ka ahayn muuqaalkooda dibadda. Akhriskana magaranayaan inay yihiin xusuus keliya
2 qaar kamid ah dadka ayaa ku andacoodaan in mashquulka nolosha iyo walwalka la xirriira nolasha aysan u ogolaanin waqti ay wax ku akhriyaan ama aysan haysan maskax fayoow oo ay wax ku akhriyaan kuwaas waxaan leenahay: tani waa marmarsiiyo aan sal lahayn oo uu adeegsado qof kasta oo niyad jab ku dhacay ama dadaalku ku yaryahay. Waxa dhab ahaan ku riixaya waa jacalka raaxada iyo ka fogaashaha hawsha adag iyo doorashada wax sahlan halkii laga dooran lahaa wax adag caddeynta taas ugu weynna waa sida aad u doorbidaan fadhi ciyaar ama madadaalo halki aad ka dooran lahaydeen inaad akhrisitaan buug faa ,iido leh haddaba waxaa habboon inaad akhrisataan taariikh nololeedyada salafka suuban si aad u aragtaan sida waqtigooda uu ugu buuxsanaa dacwada iyo cibaadada haddana ay u akhrinjireen buugaag waaweyn iyagoo raadinaya korriin iyo xambaarsanaan cilmiyeed
3.garasho la'aanta qiimaha iyo faa'iidooyinka akhriska waa dhibaato weyn waana sida horey loogu yiri: "aadanuhu wuxuu cadow u yahay wax uun garan la'yahay "sidaas darteed qofka wa inuu eega xaaladda dadka wax akhriya si uu u arko sida akhriku u baddaley noloshooda korna ugu qaaday meeshii ay joogeen una siyay fiiro dheer. Aragti balaaran iyo faa'iidooyin kale oo badan oo aan horey u soo xusnay.
gudaanad
Caado wax akhris waxay bilaabataa adoo go'aan qaata waqti gooni ah u sameeyaa kuna celceliyaa si joogto ah
0 Comments