Waa maxay sababta akhrisku?
Umadda waxay si weyn ugu baahantahay dhismaha aqooneed ha ahaato heer shaqsi ama heer kooxeed mid ka mid ah hababka lago gaari karo waa akhriska wax- ku -oolka ah kaas oo dhisi umadaha korna u qaada isla mrakaana ka dhiga kuwo si fiican ugu adkaa
da saameynta ajnabiga umad akhris badan leedahay waxay yaalataa saameyn wayn waxayna noqataa mid aan si fudud ugu dhex milmin dhaqamada kale
1.akhris balaaran xog ururin kala duwan iyo la socodka waxa cusub waxay qofku ku abuurtaa doonis joogto ah oo uu ku raadsho aqoon dheeraad ah oo cusub ..
Marka jasiiradda aqoonta ay sii weynaataba xeebta siraha ayaa sidoo kale sii fideysa",qoraaga mareykanka ee Ilif Stockman ayaa sidaas yiri isagoo muujinaya in kororka aqoonta uu keeno su,aalo iyo sirar cusub.waxaan ku noolnahay xilli ay macluumaadka si xad dhaaf ah u qarxaayaan,
Majiro waqti hore oo lamid ah tirada xogta faafaahinta, tusaalooyinka,
aragtiyada,tirakoobyada,iyo lambarada aan maalin kasta aan aragno ku- waas oo sii kor dhaya tusaale ahaan waxaa jiraa xaqiiqooyin muujinaya aritaan ,sida in qiyaastii todobo kun oo daraasado cilmiyeed la daabaco maalin kasta adduunka oo dhan. waxa 50- kii sano ee la soo dhaafay soo baxay xog ka badan tii soo baxday 5000 sano ee hore maanta tirada xogta la heli karo waxay làbanlaabataa shan kasta oo sano sidaas darteed,barashada xirfadaha akhriska ayaa noqotay xalka kaliya ee ardayda aqoonta doonaysa ay iskula jaan qaadi karaan ququlka aqoonta iyo sidii ay ugu faa,iidaysan la haayeen tani waxay adkeynaysaa baahida loo qabo in la xoojiyo barashada akhriska,tababarka, iyo ka qeyb qaadashada hawlaha akhriska.
2.akhrisku wuxuu qofka u sahlayaa inuu masaafado badan maro isagoo aan dhaqaaqin wuxuuna ka faa,iidaystaa waayo aragnimada dadka kale wuxuu kobciyaa fikirkiisa, mideeyaa maskaxdiisa, dejiyaa gaaraadkiisa, fiirogiisa, balaariya aragtadiisa kobciya aqoontiisa kordhiya dhaqankiisa weyneeyaa hammigiisa hagaajiya aragtadiisa qurxiya shakhsiyadiisa toosiya hadalkiisa, si fiican ugu faa'iidaystaa waqtigiisa badsada caddeymihiisa xoogeeya doodihiisa,sare uqaadaa qiimihiisa wuxuuna kor u qaada maqaamkiisa
3. Akhriint waa daaqad u furan akhristaha si uu si fudud oo sahlan ugu gaaro waxa ay dadka kale hayan, waana taas waxa diinteena suubani ku buraarrijisay, iyadoo aayadii ugu horeysay ee ku soo degtay rasuulkeenna naxariis iyo nabad giliyo kor kiisa ha ahaatee aayad( akhri) akhrisku waxa uu u kala baxay baahidii la qabi jiray iyo baahi casri ah oo loo qabo
maanta.akhrisku waxa uu leeyahay muhiimad aad u weyn nolasha aadanaha: waa hab wax lagu barto laguna baro, sidoo kalena waa hab lagu kasbado aqoon guud ahaan. Sidoo kale akhrisko waxa qeyb ka yahay mada daaladiisa iyo raaxadiisa dhinac kale akhrisku waa mid ka mid ah xirfadaha ugu muhiimsan ee qofko kasbado si uu ugu guulaysto una raaxaysto noloshiisa, maadaama akhrisku uu yahay mid dhammeystiraya oo nolosheena gaarka ah iyo Tan shaqo ee maalin kasta ah
0 Comments