Akriska faa'iidada leh
akhrisku waa nolasha aadanaha
Qofkii waxbadan akhriyaa wuxuu ku noolaadaa si sharaf leh qofkii aad u akhriyaa wuxuu noqdaa mid ka weyn dadka kale qofkii raba inuu sarreeyo waa inuu akhriya. Ahmiyada akhriska iyo faa'iidadiis waxa ugu hadley maqaalkaan maqaaladii ka horeeyey haddaba maanta waxaa raba inaan ka hadlo AKHRISKA FAA'IIDADA LEH Waxaa jiraa tilaabooyon muhiim ah oo ka dhigaya akhriskaaga mid faa'iido leh
1.inaad niyada sooxaadriso oo aad is waydiiso su'aalahaan waa maxay hadfka aad u akhrinayso waa maxay sababta aad u akhrinayso waxa u akriyaa inaan naftayda horo mariyo waxa u akhriya inaan dadka kale wax u taro
2.u deji naftaada qorshe wax akhris tusaale waxan akhrinaya 5 buug waqti lex bil ama shan bil
3.nafataada haku qasbin wax aad akhriskood aanan jacleyn
4. Ka qaado buugga wax aad rabto adiga waxaad rabtaa wax faa'iido u leh naftaada akhrisku wuxuu u horseeda (4) afar ujeeddo( 1) xikmad ( 2 ) warac ama dhowrsanaan (3) farxad( 4) faa'iido
4 dooro qoraaga buugga sida aad u dooranayso saaxiibkaaga maxaa yeelay waa kuu sheekeydoonaa waa kula saaxiibi doonaa safarkaaga iyo joogitaankaaga Tijaabado waa tan ku barayso sida aad ugu qaadanayso buug waxa aad doonayso
5 .CABBAAS CAQAAD.GBYAAGII IYO MUFKIRKII REER masar ayaa yiri sidaa saddex boog oo wanaagsan oo aad akhridid waxaa ka fiican hal buug oo wanaagsan oo aad saddex jeer akhridid waxa uu caqaad ina tusinaya a in muhiimaddu aanay ahayn tirada aad akhriday ee mudnaantu tahay tayada.
6.muddu u qabo buugiiba marka aad sidaa u sooqaadatid buugga ay tahay in aad akhridid waa in isu qabataa muddu cayiman is waydiisaa horta buuggaan intee in le 'eg ayaa aad kaga dhameyn kartaa tirada kuu soo baxday ka dhabee oo yayna kula dhaafin waqti is qabo hal buug iyo muddo qeexan
7.waxaad kaalmaysataa tusmada buugga inta badan buugaagta waxa ayleeyihiin - maraka laga reebo buugaagta qisooyinka ama sheekooyinka fahras ama tusmo kala duwan oo kuu sahlaya inaad si fudud u isticmaasho buugga fahrs ama tusmada waa cilmiga qaabeynaya sida loogu fududeeyo akhristaha inuu si dhaqso ah oo dhib yar ugu gaaro hadafkiisa tusmada buugu waxa ay kuu sawiraysa khariiradda buugga iyadoo kuu caddaynaysa cutubyadiisa waaweyn iyo qeybaha hoose ee la xiriira waxa kale oo jirkara
.tusmada magacyada caanka ah iyo tusmada goobaha iyo meelaha caanka ah
Tusmada aayidaha qur'aanka ah
.tusmada axaadiista
.tusmada gabyo ama suugaan
Kuwaas oo dhomaantood kuu fududaynaya inaad si toos ah ugu gaarto qeybta aad doonayeyso buugga
Gunaanad
Haddaba akhrisku waxa door iyo saameyn weyn ku leeyahay nolosha qofka iyo bulshada, waana furaha cilmiga iyo aqoonta sidoo kale waa tillabada ugu horreysa oo lagu gaaro cilmi iyo aqoon
0 Comments