Hadafka wax akhriska go'aaminta ujeeddada akhriska waxay ka mid tahay arrimaha aasaasiga ah ee krodhiya wax tarka akhriska iyo miraha iyo faa' idooyinka laga helo xase yaashee waxaa jiraa akhrisiyaal badan oo iska iloobo iney naftooda waydiinayaan u jeedda faahfaasan ee ay u akhrinayaan.ayadoo haddana go'aaminta ujeeddada si sax ah ay aad muhiim u tahay si loo doorto nooca buugaagta ee ku habboon ujeeddadaas
1 .hadafka koowaad ee akhrisku waa mada daalo,buuxinta waqtiga firaaqada,iyo raaxaysiga akhriska waxaa laga dareemi karaa noocaan akhriska ah arimahaan soo socda:akhristahu u akhriya hadafkaan wuxuu doortaa buugaagta uu jecelyahay, sidaas darteed riwaayadaha suhgaaneed iyo shedkooyinka waa kuwa ugu caansan dadka noocaan ah.maadaama ay leeyihiin fudeed iyo xiiso. noocaan akhriska ah aaya ah kan ugu baahsan oo ugu fidsan bulshada dhaxdeeda
2. hadafka labaad waa akhris loo sameeyo si loo helo hog dheeraad ah ama loo horumariyo xirfado uu qofku leeyahay. dad badan ayaa u akhriya si ay u kordhiyaan oqoontooda ku saabsan cilmiga ay xiisaynayaan ama aren' gaar ah,ama si ay xirfad u horumariyaan una barto si fiican noocaan akhriska ah waa mid aad loo isticmaalo maadaama uu fudud yahay oo si dhaqso ah oo loogo gaaro hadafka iyadoo aan waqti iyo dadaal badan la bixin .
3.hadafka saddexaad waa akhrinta fahamka waxaana ula jeedaa akhriska looga talagalay in lugu balaariyo fahamka iyo garashada, laguna helo xirfado maskaxeed ama fikir akhruska ku salaysan fahamka iyo garashada waa nooca ugu adag ee akhriska sidoo kalena waa kii ugu faa'iidada badnaa. Sababtoo ah wuxuu hagaajiyaa fahamka akhristaha wuxuuna kor u qaada xeerkiisa si uu ugu dhowaadaa aragtida
buugga iyo qoraaga
4.hadafka afraad waa rabitaanka in lasaxo laguna saxo qoraalka la akhrinayo sida dib u eegusta buugga xagga luuqadda iyo naxwaha akhriskaan oo kale badanaa wuxuu kamid yahay shaqada ama howlaha uu akhristuhu qabanayo sida dadka saxaya iyo kuwa dib u eegaya qoraalada kuwaas oo maalin walba akhrinaya boqolaal bog si ay u saxaan oo u toosiyaan xasi
yeeshee marka qaar wax yar ama waxba kama faa' iidayaan nuxurka fikirka iyo aqoonta ku jirta qoraalkaas madaama indhahooda iyo maskaxdoba ay ku mashquulsanyihiin shaqdada ugu weyn ee ah saxitaanka iyo toosinta
0 Comments