Ticker

6/recent/ticker-posts

AHMIYADA WAX AKHRISKA


 AHMIYADA WAX AKHRISKA IYO FAA'IDADIISA

Akrisku waa furaha cilmiga,wxaana Markhaati inoogu filan in uu ahaa waxyigii ugu horreeyay ee  lagu soo dejiyay rasuulka naxariis iyo nabad giliyo korkiisa ha ahaatee sida uu allaah ku yiri (akhri magaca  rabbigaaga ee abuuray) ahmiyada akhriska iyo raadinta cilmiga awgeed nabigu naxariis iyo nabadgiliyo korkiisa ha ahaatee  wuxuu sheegay in raadinta cilmigu tahay waajib saaran Muslim kasta shaki kuma jiro in akhrisku yahay mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee lagu gaaro cilmiga haddii aysan jirin  akhris , bani'aadamku mabaran lahayn cilmi,sidoo kalena ma gaari lahayn xikmadda laga leeyahay jiritaankiisa dhulka- taas oo ah in uu caabudo allaah, u haggansamo,isla markaana dhulka dhiso oo horumariyo.markaas akhrisku wuxuu u sahlaaya qofka inuu si iskiis ah wax u barto oo uu si fudud u helo  dhamaan wax uu rabo in uu ogaado marar badan asagoo aan cidna kaashan  akhriskuna wuxuu leeyahay faa'iidooyin badan oo aan la koobi Karin.xase yeeshee waxaa lagu soo koobi karaa qodobbada soo socda: 1.akhrisku waxa la jirayaa walaalkiis qoraalka waana furaha cilmiga 

2.waa mid ka mid ah sababaha ugu hoogg badan lagu garan karo allaah subxaanhuu watacaalaa,lagu caabudu.lana adeeco isaga iyo rasuulkiisa naxariis iyo nabad giliyo korkiisa ha ahaatee.

3 .waa sabab muhiim ah oo lagu dhisayo dhulka,laguna gaaro culuumta keenta  horumar.iyo wanaag aduun.

4.waa sabab lagu ogaanayo xaaladaha ummdihii hore si looga faa'iideysto 

5 .waa sabaab lagu kasbado xirfadaha laguna barto warshidaha waxtarka leh

6.faa'iidooyinka wax akhriska waxa kamid ah in uu qofka ogaado wxa anfaca iyo wxa wax u dhimaya noloshan

7.waxaa kamid ah  in qofka helo akhlaaq wnaagsan dabeecado sare leh iyo anshax toosan.

8. waxaa kamid ah in uu qofku helo ajar iyo abaal weyn ,gaar ahaan haddii akhriskiisu yahay kitaabka ilaahay ama buugaagta waxtarka leh ee ku hanuuniya wanaagga kuna  reebta humaanta.

Gunaanad

Wax akhrisku waa furaha aqoonta. koritaanka maskaxda. iyo horumarka nolosha.waa hab uu qofko ku baranayo wax waxtar u leh kana diktoonaadaa waxa wax u dhimaya waxa kale oo uu akhrisku kobciyaa aklaaqda fahamka diinta iyo garaadka bulshada qofka akhriya waxa uu leeyahay fursad uu ku helo nolol wanaagsan oo u wanaagsan aduun iyo aakhrro.


Post a Comment

0 Comments