Miraha wax akhriska Wax ka baro.
Akhrisku waa mid ka mid ah howlaha ugu sharfta badan ee bani aadamku sameeyo waana cunto maskaxeed iyo iftiin u ah fikirka. Waa jidka kaliya ee lagu Gaari karo aqoon, korriini iyo horumar akhriska qofku wuxuu ku ogaadaa cilmigii kuwii hore iyo kuwii dambe,wuxuuna baranaa siraha nolosha iyo dunida isagoo ka faaideysanaya waayo arignimada dadka kale maqaalkan waxa ugu hadleyna miraha wax akhriska .
Miraha wax akhriska.
1.akhrisku waa inuu ballaariyaa garasha iyo fahamka qofka isla markaana kobciya awooda fikirkiisa iyo xusuustiisa
2 . Akhrisku qofku wuxuu ka caawiyaa inuu barto ereyo cusub oo kobciya afkiisa isla markaana xoojiyo qoraalkiisa iyo hadalkiisa.
3.akhrisku ma aha kaliya mid laga helo aqoon, bal se sidoo kale waa daawo nafsi ah wuxuu qofka siinaya nasasho iyo degganaasho.
4.akhrisku qofku wuxuu siinaya xaddaarad iyo ilbaxnimo
5.akhrisku waa cuntada caqliga carabta waxay tiraadaa القراءة غذاء العقول او غذاء الروح
6.akhrisku waa ka faaideysiga waqtiga Haddaad akhrisu taariikh nololeedka culimada islaamka waxad ogaanaysa sida waqtigoodu u geliyeen wax akhriska tuseele ahaan akhri kitaabka قيمة الزمن عند العلماء لشيخ عبد الفتاح ابوغدة رحمه الله تعالى
Sidaas oo kale akhri tariikhda jaaxid iyo taariida imaamu suyuudhi.
7.akhrisku waa guusha qofka dhmaan dadka guulaysta waxay ahaayeen akhristiyaal wanaagsan.
Gunaanad
Ugu dambeyn,akhrisku waa saaxiibka ugu fiican ee qofka waa jidka lagu gaaro guul.cilmi iyo sharaf

0 Comments