Ticker

6/recent/ticker-posts

AKHRISKA BUUGAAGTA


Akhiska buugaagta iyo muhiimaddeeda  ama kutubta waxa rabaa inaan wax ka qoro maqaal ku saabsan akhriska buugaata inshaa allaah

Wuxuu qoraaga iyo waryaha cimaaraatka carabta, YAASIR XAARIB xaqiijinaya , 

In bulsho horomarsan ay tahay midda ay xubnaheedu hiiseeyaan akhriska iyo buugaagta. Wuxuu sidoo kale xaqiijinaya in sababtii ay u kacday xadaaradii islaamka ay ahayd jacalka looqabay  akhriska iyo buugaagta ama kutubada halka sababtii ay u dhacdayna ay ahayd dayacaadda akhriska iyo buugaagta.

Dr. Cabdulkariim bakkaar wuxuu leeyahay: "Cilmi -baarisyo ayaa caddeeyay in inta badan dadka hal-abuurka ah ay ahaayeen akhristiyaal heer Sare ah xilligii yaraantood, 

Dr. Axmad kheyri Al cumari wuxuu isaguna leeyahay "Dhammaan dadka saameynta  ku yeeshay oo wax kabaddaley taariikhda waa dad si aad ah u akhriya" wuxuu intaas ku daraya"haddii aad raadsato dhammaan dadka keeney horomar dhab ah ama wax kabaddalay taariikhda bani aadamka waxaad ogaan doonta inay ahaayeen akhristiyaal wanaagsan" xitaa dad badan oo hal-abuur leh ama saameyn weyn ku leh dunida islaamka waxey qireen in muhiimadda akhrisku leedahay ay ahayd  sababta ay ku gaareen wanaaggooda.

Dr. Daariq-al suweydaan wuxuu leeyahay:ilaahay iguma anfacin wax noloshayda ka mid ah marka laga reebo iimaanka, sida uu igu anfaco akhriska tan iyo yaraanteydi ilaa maanta waxaan hadda akhriya celcelis ahaan hal buug saddexdii maalmuud mar.

Ilo badan oo xog ah iyo habab wax lagu barto ayaa jira. balse waxaa ugu muhiimsan uguna asaasiga ah dhmmaan waa buugga ama kitaabka. Waa saaxiibka ugu fiican. wehelka ugu wanaagsan waana midka ugu jaban. Marka la eego ilaha kale buuggu waa wehel fiican marka la keligaa yahay gaar ahaan markaad ku sugan tahay dal shisheeye. Waa haan buuxa oo cilmi ah mana jiro saaxiib ka wanaagsan buugga. geedna majiro ka cimri dheer midhuna ka macaan . Ma jiro wax sahlan oo la heli karo sida buug faa'iido leh . buugu waa saaxiib kaa aamusa oo aan ku ammaanin, waa saaxiib aan ku canaanan waa rafiiq aan xukun kugu ridin oo aan ku khiyaamin . Haddii aad eegto waa ku raalli geliyaa maskaxda ayuu kuu fiiqeeyaa carrabka wuu kuu furaa hadalkaaga wuu qurxixaa naftaadana wuu nafaqeeyaa xogtaadana wuu kobciyaa 

Buuggu waa macallinka aan ku dhibsan haddii aad wax ka waaydo  oo aan kaa go,in haddii aad wax ka goyso wilina faa'iido ayuu ku siinayaa haddii uusan jirin fadligiisa kale haddana wuxuu kuu ilaalinaya waqtigaaga inuu ku dhumo wax aan faa'iido lahay sida hadal aan micno lahay dhageysi aan qiimo lahayn iyo la macaamilka dad aan kheyr lahayn sidaas darteed buugu waa saaxiib kaa buuxinaya firaaqadaas si uu kaaga badbaadiyo kali nimada dhibta leh wuxuuna kuu soo gdbinayaa wararka wadamada kale si aad ugu ogaatid warkooda si aad

 u ogtahay warka wadankaaga 

. Akhriska buugaagta waa furaha cilmiga 

. Akhrisku waa dariiqa aan ugo socno horomar iyo kobac 

 Akhrisku waa isha wax soo saarka


Post a Comment

3 Comments