Ticker

6/recent/ticker-posts

Sidee wax loo akhriyaa?



Sidee wax loo akhriyaa  waa su'aal muhiim ah oo dadka inta badan is weydiyaan hadaba waxaan  rabaa inaan si fiican ugu jabaabo in shaa allaah 
 
1 .waa inaad doorataa  meel ku habboon akhriska sidaad u leedahay waqti go'an  oo xifdinta ah. Waa inaad yeelataa waqti gaar ah oo aad akhriku u hurto oo aanad hawlo kale kula darin.
2. doorashada goobta  akhriska waa arrin aad mhiim u ah.waa inaad  meel gaar ah oo loo habbeeyay akhriska si maskaxdu aysan ugu mashquulin wax aan akhriska ahayn.haddi qofku si fiican u diyaarsan yahay waqti ahaan iyo nafsi ahaanba wuxuu si fiican u fahmaa wax uu akhrinayo. 

3 . Waa muhiim inaad la tashato ka hor inta aan buug la akhrin waxa dhici karta inaa dbuug akhriso  oo ku saabsan culuum gaar ah. Halka uu jiro buug  kale oo gaaban Sahlan  faa'iido badanna leh. haddi aadan la tashan cid kaa cilmi badan waxaad kharash badan gili kartaa buugga oo aadna wax yar ka faa'iida kartaa.
Waxa dhici kartaa inaad akhrido buuga ka hadlaaya xirfad gaar ah,halka uu jiro buug kale oo ka gaaban ka sahlan fahamka kana faa,ido badan laakiin adigoo aan la tashan cid kaa aqoon badan. Waxaad bixin kartaa waqti iyo dadaal badan adigoo helaya faa'iido yar oo kooban

4. doorshada  daabacaadda ugu fiican. 
Kahor inta aadnad  buug akhrin la tasho cululomada  ama ardayda cilmiga si ay kaaga caawiyaan iaad  doorato daabacaadda saxda ah.buugu wuxuu yeelan karaa  daabacyo kala duwan  qaar badan oo ka mid ah waxay noqon karaan  mkuwo qaladaad iyo isku dhex yaac badan leh haddii ardaygu la tashado wuu  ka faa'iidayaa waqtigana kuma lumiyo daabacaad qaldan .

5.ka bilow buugaagta gaaban.dhalan yarada qaar waxay bilaabaan barashada cilmiga iyagoo aad u xiisaynaya, waana arrin wanaagsan, balse waxay si toos ah u guntadaan buugaag waaweyn iygoo aan la tashan culimada ama ardayda kale.sidaas darteed, waqti ka dib waxay dareemaan daal. Xiisad la'aan iyo niyad jab, taas oo ugu dambeyn keenta inay ka niyad jabaan wadadii cilmiga.

6.diiwaan gilinta faa'iidooyinka qaaliga ah:
Haddii aad buug akhrinayso, qalinkaaagu ha noqdo ilayskaaga ha ka tagin gacantaada. marka aad la kulunto faa'iido qaali ah (dhab ahaan dhammaan faa'iidooyinka waa qaalisan yihiin balse heerarbay ku kala duwan yhiin) qoro faa'iidadaas waxa aad ku qori kartaa daboolka buugga ama buug gaar ah taas  waxay kaa caawinaysa inaad mar kale ugu noqoto marka aad u baahato 

7.isku day inaad fahamto erayada oo aad xiriiriso si aad kor ugu qaado xirfadaada akhris 
8.diirada saar wax aad akhrinayso oo ka faa'iidayso isticmaalka indhhaaga si maskaxdaadu u fahamto fikradaha ugu muhiimsan oo kujira sadarada la daabacay. Indhuhu waxay u baahan yahiin  tababar si ay u akhriyaan sida faraha oo kale loogu tababaro qorista furiyaasha kiiboodhka mishiinka wax lagu qoro.tusaale ahaan 

9. Waa inaad doorata meel ku habnoon oo raaxo leh si aad u akhrido isla markaana ay jirto iftiin ku filan oo indhha u wanaagsan.

Ugu danbeyntii, ogow walaal in aan muhiimadu ahayn tirada wax la akhryay, balse ay  muhiimadu tahay wax soosaarka miraha laga helo akhriska iyo xog-ururinta.arriitani waxay ka muuqan doontaa akhlaaqda qofka, dabeecadahiisa,luuqadiisa iyo weedhhiisa kuwaas oo  muujinaya heerkiisa aqooneed baaxadda dhaqankiisa.

Post a Comment

0 Comments