Adkaarta waa qayb muhim ah oo ka mid ah Nooasha muslimka. Waa kelmad katimid dikri oo macnaheedu yahay xasuusin' waxaana lamicno ah in laxasuusto ilaahay (subxaanahuu wa Tacaalaa)waqti kasta oo maalinta iyo habeenka ah. Akhriska adkaarta wuxuu leeyahay saameyn wey oo ruuxi ah, mid noololeed.iyo mid diineed
1 MxeyTahay Adkaarta?
Adkaarta waa ducada.xuska, iyo aayadaha qur'aanka ah ee la akhriyo si joogto ah waxa ka mid ah
. Adkaarta subaxa
. Adkaarta galabnimada
. Adkaarta safarka
. Adkaarta marka musqusha marka lagalayo
. Adkaarta marka guriga lagalayo iyo marka laga baxayo
. Adkaartu waxay noqon kartaa kalmado fudud Sida:
. Subxaanaallaah
. Alxamdulillaah
. La ilaaha ill allaah
. Allaahu akbar
. Astagfiru allaah
2.Faa'duuyinka akhrska adkaarta
. ilaalinta alle
Qofka akhriya adkaarta wuxuu ku sugan yahay Daryeel iyo ilaalin alle ka timid waxaa laga dhooraa sharka jiniyada, dadka, iyo musiibooyinka lama filaanka ah
. Qalbi daganaan iyo nabad:
Alaah wuxuu qur'aanka ku yiri (الّذين ءامنوا وتطمئن قلوبهم بذكر الله ألابذكر الله تطمئن القلوب)Kuwa rumeeyey ee qalbgooda xasilo markey xusaan ilaahey ogow xuska ilaahey qalbiyada ayuu dejiyaa (suuratu alracdi aayad 28:)
. Debbie dhaaf iy ajar:
Adkaarta waxaa nadiifisaa qalbiga,waxayna kordhisa ajarka, Tusaale ahaan in la yiraahdo suxaanallaahi wabixamdihi 100 jeer maalin walba waxay sababtaa in dambiyaada la dhaafo xitaa hadey la mid yihiin humbada bada
. xiriir joogto ah oo ilaahay lagu la jiro
Adkaarta waxay qofka ka dhigtaa mid si joogto ah ula xiriiro Rabigiisaa wuxuu dareemayaa in Uu ilaahay lajiro, wuxuu helaa xasilooni uu kulu kulmu dhacdooyinka noolasha
3. Goorta la akhriyo adkaarta
. Subax kasta kadib salaada subax
. Galab kasta salaada casir kadib
. Kahor hurdada
. Marka aad safareyso
. Marka aad guriga gasho ama aad ka baxdo
. Maraka aad wax cuneyso ama wax cabeyso
. Xiliyada dhibka iyo murugada iyo wawalka
4 .maxaa lugu helaa akhriska adkaarta
. Nabad qalbi iyo xasilooni
. Dembidhaaf iyo derjo sare
. Kafogaasho sheydaan
. Ka hortaga musiibooyonka iyo dhibaatada
. Barako iyo iftiin noolasha ku fidaya
Gunaanad
Akhriska adkaarta ma aha keliya ducada afka laga sheegayo, balse waa xasuus dhab ah oo qalbiga ka Imaaneysa,waa xiriir toos ah oo ilaahay lagula jiro waana caado wanaagsan oo ay tahay qof kasta oo Muslim ah ka dhigto nolal maalmeedkiisa hadii akhriska adkaarta lagu dadaalo waxay nogon doontaa gaashaan nafta ka ilaaliya wax kasta oo xun waxayna kor uqaadaysa xiriirka naftaada iyo Rabigeeda
0 Comments